Siyaasiinta, Ganacsatada Iyo dadka Caanka ah Oo WhatsApp Isaga Qaxay

0
Tuesday January 12, 2021 - 09:17:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiinta, Ganacsatada Iyo dadka Caanka ah Oo WhatsApp Isaga Qaxay

    Whatsapp, siyasadda cusub ee ammaanka xogta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Whatsapp, siyasadda cusub ee ammaanka xogta.


No description available.

Muddooyinkii u danbeeyay waxa doodo badan ka socdeen nidaam cusub oo ay soo saartay Whatsapp, waa siyaasad iyo heshiis cusub oo la xidhiidha xogtaada kuugu kaydsan ama dhex marta whatsapp. Siyaasaddan dhawrsoonaanta xogtaada ee Whatsapp soo saaray waxa ay si toos ah u dhaqan gelaysaa 08 Feb 2021, waxa kuu soo dhacaysa farriin tilmaamysaa in siyaasad cusub uu soo dejiyay whatsapp, inta muddadaa ka horraysa farriinta waad isdhaafin kartaa oo waad xidhi kartaa marka se la gaadho 08 Feb ama waad aqbali ama waxa aad waayaysaa Whatsappkaagii oo waa uu masaxmayaa.

 

Maxay tahay siyaasaddani/heshiiskani?

 

Laga soo bilaabo 2014 whatsapp waxa si hoose u maamulayay FB, muddooyinkii danbena waaba uu la wareegay. Mulkiilaha FB Mark Zuckerberg ayaa la wareegay Instagram iyo Whatsapp waxana uu October 2020 sheegay in uu wada xidhiidh ka dhaxayn doono dhammaan mareegaha FB, FB Messenger, Instagram iyo whatsapp, dhawaan waxa isku xidhmay Instagram iyo Messenger, siyaasadan cusubna waa mid isku xidhaysa Facebook iyo Whatsapp. Siyaasaddani waxa ay qeexaysaa sida ay ganacsiyadu u isticmaali karaan whatsapp marka ay la xidhiidhayaan ganacsiyada kale iyo macaamiisha.

 

Maxaa whatsapp la wadaagayaa FB?

 

Qodobkani ayaa ah ka u muhiimsan, haddii aad aqbasho siyaasaddan cusub whatsapp waxa uu la wadaagayaa Facebook: isticmaalkaaga whatsapp sida, xilligii aad ku soo biirtay, waxyaabaha aad u isticmaasho sida Groups, Status, Calls, Chats iyo wixii la mid ah, sawirka kuu saaran, qoraalka kugu saabsan ee ku qoran whatsapp "About”, nidaamka xawaaladda haddii aad isticmaasho iyo accountka kuugu xidhan iyo halka aad ku sugantahay. Waxa uu kale oo la wadaagayaa xilliga aad ku jirto ama Online tahay, markii u danbaysay ee aad ku jirtay, iyo xilligii u danbaysay ee aad dib u qortay xogta kugu saabsan "About-ka”. Waxa kale oo si fudud loo helayaa groupska aad ku jirto, sida ururrada ama dugsiyada waxbarasho ee ubadkaaga iyo wixii aan weynayn ee kugu saabsan.

 

Sidoo kale xogta whatsapp la wadaagayo Facebook waxa ka mid ah xogta ku saabsan aaladda aad isticmaalyso iyo khadka aad isticmaalayso sida: Model-ka, Operating systemka-ka, mareegta ama browser-ka, IP address-ka iyo mobile-ka ama computerka aad isticmaalayso xogtiisa ama tirsigiisa. Waxa kale oo dheer heerka dabka ee aaladdaada, xawaaraha khadkaaga iyo appka aad isticmaalayso version-kiisa.

 

Arrinkani werwer ma leeyahay?

 

Haa, werwer badan ayaa uu leeyahay. Xogahani waxa ay ku kala kaydsanaayeen labo kayd oo kala duwan(Whatsapp iyo Facebook), haddii la wadaago oo la mideeyo waxa la helayaa xog badan oo kugu saabsan oo qaarkood kala duwanaan karaan. Tusaale ahaan: numberkaaga whatsapp haddii uu ku xidhanyahay FB aan magacaagu ku qornayn waxa la arkayaa kala duwanaanta, ama Facebook number kuugu xidhanyahay whatsappkiisa iyo xogtiisa.

 

Sidoo kale waxa isku xidhkani isbarbardhig ku samaynayaa dadka kuugu jira whatsapp iyo kuwa kuugu jira FB iyo waxa idin dhexmara, groups-kaaga whatsapp iyo kuwa facebook. Sidoo kale haddii aad isticmaasho "Whatsapp transaction services” waxa uu FB awood u yeelanayaa in uu xogta xisaabtaada iyo numberka card-ka aad isticmaasho ku xidho facebook-aaga.

 

Waxa kale oo muhiim ah in farriihii dadka idin dhex marayay ee ahaa "end to end encrypted” ay wadaagani sababayso liigid in uu ku yimaaddo oo xogtaasi gacan kale in ay gaadho fududahay. Haddii aad kolka xog kuu gaar ah ku dirtid whatsapp ama wada hadallo goonni kuu ah ku gashid digtoonow, ama jooji waayo imika kuuma gaar aha.

 

Maxaa talo ah?

 

Haddii aad aqbasho xogahaagii waa la wadaagayaa, haddii aad diidona whatsapp waa uu kaa xidhmayaa, haddaba haddii aad aqbalayso siyaasaddan cusub oo aanad ka maarmayn whatsapp waxa iga talo ah, in aad whatsapp ku yeelato number aanad meel kale ku isticmaalin, xogta aad ku dirayso hubiso, xisaabahaaga iyo accountskaagan ka ilaaliso xogtodooda ama numberada sirta ah ee Card-kaaga.

 

Halkee loo guuri karaa?

 

Waxa aad loogu talinayaa in whatsapp looga guuri karo labada application ee kale sida Telegram iyo Signal. Waayo ilaalinta xogta

iyo gaar ahaanshaheeda ayaa imika ka dhawrsoon Whatsapp. Waliba waxa doodaha iyo isbarbardhigga socdaa ammaanayaan Signal, inkasta oo uu ka adeegyo koobanyahay. Waxa aan comment soo gelin doonaa isbarbardhig lagu sameeyay mareegahan.



 

Waxaa Qoray Mohamed Abdikadir Silver.

 

Loading...
Loading...