Qoom Walba Qofka Halaagi Kara Wuu Ka Dhasha

0
Monday January 11, 2021 - 08:50:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qoom Walba Qofka Halaagi Kara Wuu Ka Dhasha

    W/Q: Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

Dolland Trump wuxu diiday in doorashii laga badiyey wuxu isticmaalay wax kasta oo uu ku carqaladayn karo wuxu sameeyey inuu kala qaybiyo population maraykanka wuxu baalmaray sharciyagii iyo democracy

 

Markii Capitol building ay galeen taagerayaasha Trump ee ay sameeyeen fowdada iyo burburinta muxaramaadkii wadanka ayaa waxa isbedelay shucuurtii dadka maraykanka xisbi kasta oo uu teegersana iyo midab kasta oo uu lahaa waxanay ka soo wada horjeesteen Trump

 

Maraykanku waa wadan weyn oo labadii qarni ee u dambeeyey hogaaminayey xadaarada iyo horumarka aduunka waxanu soo kordhiyey wax badan oo nolosha manaafacaad badan u leh waxa caalamku ka bartay maraykanka xadaarad iyo mafaahiim maskaxeed oo dowladnimadu kow ka tahay waana wadan muhiim u ah aduunyada wakhtigan

 

Afartii sano ee Trump xukumayey maraykanka waxa muuqatay sawiro iyo dhaqamo aad uga duwan Quruxdii iyo dhaqankii maraykanka lagu bartay ee uu ku kasbaday inuu hormuud caalamka u noqdo ficilada iyo sawirka White House ka soo baxayey waxba kama duwanayn dhaqamada iyo ficilada madaxda wadamada fashilmay iyo kuwa dictators ay xooga ku haystaan ee sawirada caalamku ka naxaya maalin walba ka soo baxaan

 

Maraykanka waxa 24 saac ee u dambeeyey ka soo baxayey warar iyo doodo lagu farxo oo muujinaya in shacabka maraykanku midnimada wadankooda iyo dhawrista sharciga ay u wada istaageen siyaasiyiin iyo aqoonyahan iyo shacab iyagoo ka xun wixii ka dhacay capitol building una arkaya inay fadeexad ku tahay Xadaarada iyo sharafta iyo taariikda maraykanka cidii ka dambaysayna sharciga la horgeeyo

 

Marka aad eegto doodaha ka socda meelaha looga taliyo waxa muuqata maraykanku inuu ka weyn yahay wadan qof keliyi ama koox yari burburin karayso sharciyadiisa democracy xadaaradiisa dhulkiisa iyo shacabkiisa waxaynu arkayana madaxweyne ku xigeenkii oo ka soo horjeestay aragtida madaxweynaha iyo wasiiradii qaar oo iscasilay iyo doodaha congress house ka socda oo la doonayo in madaxweynaha la maxkamadeeyo

 

Qof qaldani cid walba wuu ku jiraa qoys iyo qaranba hadiise dadku aqoon iyo Xadaarad leeyihiin way ka badbaadi karaan inuu qofkaasi sababi karo inay dumaan ama burburaan

 

Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...