Maxay Daaran Yihiin Weerarada Cusub Ee Maamulka Puntland Ku Soo Qaaday Ciidamada Somaliland?

Tuesday March 05, 2019 - 16:17:56 in News by
  • Visits: 2347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Daaran Yihiin Weerarada Cusub Ee Maamulka Puntland Ku Soo Qaaday Ciidamada Somaliland?

    Maxay Daaran Yihiin Weerarada Cusub Ee Maamulka Puntland Ku Soo Qaaday Ciidamada Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Daaran Yihiin Weerarada Cusub Ee Maamulka Puntland Ku Soo Qaaday Ciidamada Somaliland?

Isku dhacyo kooban ayaa Ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka Puntland ku dhexmaray degaanka Gambadha oo ilaa 30km u jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka oo lagu sheegay mid gaadmo ah laakiin, Ciidanka Qaranka ee Somaliland ayaa ku hanjabay in aanay faraha ka laaban doonin haddii ay sii socdaan weerarrada maleeshiyaadka Puntland.

Sida ay sheegayaan xogaha wargeyska Waaberi ka helay ay maleeshiyadu jidka ugu galeen ciidamo ka tirsnan Militariga Somaliland waxa ka dhashay khasaare kooban waxaana maleeshiyaadka laga qabsaday hal gaadhi. Kooxda ayaa la sheegay in uu hoggaaminayay nin u dhashay gobolka Sool oo ka mid ah maleeshiyaadka Puntland.

Afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdidheere) oo warbaahinta kula hadlay miiska saraakiisha ee Hargeysa ayaa sheegay in dagaalladii u dhexeeyay Somaliland iyo maamulka Puntland ay u arkayeen mid uu waday nidaamkii Cabdiwali Gaas laakiin, aanay tuurtuurka maleeshiyaadku wali joogsan.

"Waxa jiray waayadan dambe in dagaal nagu dhexmaray Tukaraq ciidanka Qaranka JSL iyo maamulka Puntland, dagaalkaas oo aanu u arkaynay in ay wadeen maamulkii la bedelay ee Puntland taas oo muddadan dambe ee ay dhacday doorashadii Puntland aanu filaynay in ay nala qaateen nabadda aanu ku naaloonayno ee aanu doonayno in jaarku ku wada noolaado oo nabadda sida aanu uga shaqayno uga shaqeeyaan,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa uu intaasi raaciyay in shalay iyo dorraadba ay dhaceen weerarro dhanka Sanaag iyo Sool ba ah "Hase yeeshee shalay (Dorraad) iyo maantaba(Shalay) waxa dhacay dagaal gaadmo ah ama itaal darro ah oo aan waxba ka qaadayn ciidanka JSL oo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag Bari iyo Sool ba. Shalay (Dorraad) waxa naloo sheegay in ay soo galeen soone ka mid ah Sanaag Bari ciidanka Qaranka ayaana baacsaday waxaanay eryadeen ilaa ay ka baxayeen xuduudda Somaliland.

Maanta (Shalay) laba baabuur oo ay leeyihiin Puntland ayaa Barqadii soo weeraray ciidanka ay fadhiisimadu u yihiin Gambadha Ciidanka Qaranku si fiican buu isu daafacay waanu ka war helay labadii baabuur mid ka mid ahna waanu ka qabsanay, warka dhankooda ka imanaya waxa naloo sheegay in afar qof ka dhaawacmeen oo taliyihii ciidanka watay ka mid yahay,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu ka digay in madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni sii wado colaadda u dhexeysa labada dhinac "Waxaanu ka digayna oo aanu ku celinayna anaga oo raacayna Istiraatijiyadda madaxweynaha JSL ku celceliyay ee ahayd in Somaliland nabad kula noolaanayso jaararka, hase yeeshee haddii ay Puntland joojin waydo waddada hore ee ay hayso ee maamulkii hore mari jiray ee kii maantuna raacay waxaanu ka bixin doona tallaabo ku haboon oo aanu maanta ciidanka Qaranka JSL cidna u daba fadhiisanayn cidna kula gorgortamayn sugidda ammaanka xuduudda Somaliland, arrintaasi haddii ay dib u dhacdo wuxuu ciidanka Qaranku qaadi doona tallaabada ku haboon,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa ilaa horraantii sanadkii 2018 waxa aagga Tukaraq ku dhexmarayay dagaallo soo noqnoqday oo saamayn ku yeeshay labada dhinac iyo ammaanka Mandaqada.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dorraad ka hadlayay munaasibad lagu daahfurayay dhallinyarada carbiska Shaqo Qaran u bilawday ayaa sheegay in culays dhaqaale ay ku yeelatay xiisadda Tukaraq " Shaqada Qaranka markii aanu aasaasaynay dhaqaalaheenu wuu yara waxay ahayd in aanu lix bilood hor qabano dib bay u dhacday. Markii aanu qorshihii u horeeyay galnay hawlo badan baa inala kulmay; mid waxay ahayd duufaankii ka dhacay Galbeedka oo culayskeeda dhaqaale yeelatay midna waxay ahayd weerarkii Puntland inagu soo qaadday oo culayskiisa yeeshay intii ka dhexeysay oo dhan dhaqaale ahaan ayaanu ula rafanaynay,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa la filaya in ay dhawaan dib u bilaabaan wada hadalka labada dhinac taas oo la filayo in ay qayb ka noqdaan joojinta colaadda labada dal.


Loading...
Loading...