Neymar Oo U Wareegaya Spain Iyo Wakiiladiisa Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Real Madrid

0
Tuesday April 30, 2019 - 10:37:11 in News by
  • Visits: 2112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo U Wareegaya Spain Iyo Wakiiladiisa Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Real Madrid

    Neymar Oo U Wareegaya Spain Iyo Wakiiladiisa Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Real Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar Oo U Wareegaya Spain Iyo Wakiiladiisa Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Real Madrid


Waxa sii kordhaya wararka isku xidhiidhinaya Real Madrid iyo laacibka reer Brazil ee Neymar, kaas oo marka uu suuqu furmo ay bartilmaameed ka dhigan doonto Los Blancos.




Real Madrid oo hoos u dhac weyn ku dhacay xili ciyaareedkan ayaa raadinaysa hoggaamiye rasmi ah oo dhabarka saarta masuuliyadda kooxda si la mid ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo sannado badan dhabarka ku siday Real Madrid iyo Barcelona, laakiin markii uu xiddiga reer Portugal ka tegay Bernabeu ay dhulka ku dhacday kooxda boqortooyadu.


Lataliyaha Neymar, Wager Ribeiro, sidoo kalena ka mid ah wakiilladiisa ayaa waxa uu soo booqday garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Florentino Perez oo sawirro lagaga qaaday.


Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna saabsan arrimaha ay ka wada hadleen, laakiin Ribeiro ayaa ka mid ahaa wakiilladii Neymar ka socday ee sannadkii 2013 ay wada-xaajoodeen Real Madrid ka hor intii aanay Barcelona kaga guuleysanin saxeexa laacibkan.


Farriin kooban oo uu Ribeiro ku baahiyey bartiisa bulshada, ayaa waxa uu ku sheegay inuu la dhacay kulanka madaxweyne Florentino Perez oo uu ku sifeeyey saaxibkii, qof uu ku daydo iyo madaxweynihiisa, laakiin faahfaahin intaas ka badan ma raacinin.


Sannadkii 2005, Ribeiro waxa uu udub-dhexaad u ahaa, kana caawiyey Real Madrid heshiiskii Robinho ku yimid Bernabeu, sidoo kalena waxa uu ka shaqeeyey sidii ay Real Madrid ku heli lahayd Vinicius Junior.

Loading...
Loading...