Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Dawladu Ma Oga Miyaa? W/Q Maxamuud Axmed Xuseen Al-karaama.

0
Sunday January 10, 2021 - 12:58:29 in Articles by
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Dawladu Ma Oga Miyaa? W/Q Maxamuud Axmed Xuseen Al-karaama.

    Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Dawladu Ma Oga Miyaa? W/Q Maxamuud Axmed Xuseen Al-karaama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Dawladu Ma Oga Miyaa? W/Q Maxamuud Axmed Xuseen Al-karaama.

Qof dhaawac culus ah ayaanu gaynay shalay cosbitaalkan guud,  Markii aanu gaadhay dhakhtarka ayaanu u baahanay sariir aanu ku soo riixno .
Image may contain: text that says 'HARGEISA GROUP HOSPITAL ISKA HEEGANKA CUSBITAALKA & MACLUUMAADKA TARKA HEEGAN 0633700033 KACUSBITAALKA 0633700034 00034 6 Landline:9393 line:'


Qoladii emerjasigu waxa ay noo sheegeen in aanu qayb kale u doonano , qaybtiina waanu ka waynay ,dhamaan dhakhtarka ayaanu ka raadinay ugu damayna waxa aan arkay kursi kan dadka lagu riixo oo mid ka mid ah waadhadhka yaala .

Waxa aan go,aansaday in aan kaa qaato se qof uu ag yiilay ayaa igu yidhi walaal kan cisbitaalku ma laha ee anigaa iska leh oo si gaara u soo gatay.

Waxa aan ku idhi "walaal i amaanaysii aan kuu soo celiyee ".

Waxa uu igu yidhi " maya waxa aan ka baqayaa in uu iga lumo meeshuna ma laha kuraase"
Waxaan ku idhi " Hoo mobilkaygan u sii hayso walaalo" .

Sidii ayaan ku qaatay , markii aanu gudihii soo galnay ayay nagu yidhaahdeen ninka sawirada X-RAY ga ka qaada si loo hubiyo lafaha jaban .

Waanu sawirnay jawaabtiina waxa ay nagu yidhaahdeen gacanta oo kaliya ayuu laba meelood ka jaban yahay ee hada ha la kabo .

Lacagtii kabi taanka waxa aanu ku nidhi aanu dirno , kii kabayay ayaa nagu amray in aanu lacagta lambarkiisa ku dirno .

ku dirnay , kana soo qaadnay wali se cabasho kale ayaa jirta oo feedhaha iyo dhabarka ah .
Waxaanu ku celinay dhakhtarkii markale waxa uu nagu amray in aan computor marino iyo sawiro kale .

Markaanu computerkii saarnay ayaan waydiiyay goormaanu helaynaa diktoorka ?
Waxa ay iigu jawaabeen beri mooyee saadambe !!

Markaas ayaanu go,aansanay in aanu meeshan ka guurno oo dhakhtar kale tagno .
Dhakhtarkii kale oo kuwan gaarka ah ayaanu gaynay , waxaana naloogu shaqeeyay si heer sare ah.
 .
Qof kii ay yidhaadeen laba meelood oo kaliya ayaa jaban ayaa naloo sheegay in uu 15 meelood ka jaban yahay .

Alla maxaa meeshaas mashaqo taala oo dadkeenu ku dhiban yihiin .

Qalab la,aan , adeeg xumo , iyo musuq ayaa hadheeyay goobta .

Wasaaradii shaqadaa lahayd iyo qolodii hanti dhawrkow meesha faro galiya .

Dadkeenii labaa kala goostay lacagta xad dhaafka ah ee cosbitaalada gaarka ah iyo adeeg la,aanta xadhkaha goosatay ee cosbitaalka guud ee hargaysa .

meel loo kacaba garo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...