Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Cuqaasha Beeshiisa

0
Saturday January 09, 2021 - 22:58:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Cuqaasha Beeshiisa

    Wasiir Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil

Gabiley -(HWN) - Wararka Aanu Ka Helay Magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Afar Kamid ah madax  dhaqameedkii gudida soo xulista musharaxa beesha reer Xaad oo habeenkii xalay shaaciyay murshaxa umatalaya golaha wakiilada  goordhawayd xabsiga magaalada Gabiley  loo taxaabay kadib, markii uu amarka xadhigooda bixiyay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta Dr. Cabdiwali oo  gudidani uu xidhay ay habeenkii xalay  shaacisay musharaxa beeshooda umatalaya doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodi-jeex taasi oo uu wasiirku sicad udiidan yahay balse uu ku guuldaraystay in uu jiheeyo go’aankii beeshiisa islamarkaana ka digo rogtay xisbigii uu wasiirka ka ahaa xukuumadiisa iyagoo uu  ka sharaxan yahay musharaxa ay soo xuleen  xisbiga UCID.




Sidoo kale wasiirka Isgaadhsiinta ayaa xabsiga utaxaabay muruudkii maqaamka Sheekh Cali Bayle oo isna lagu qoonsaday taageero uu muujiyay musharaxa gudidu soo xushay ee ay shaaciseen, wallow aanu sheekhu kamid ahayn gudida balse sida warar tibaaxeen sheekha la xidhay xili uu saldhiga gabiley ku booqday cuqaasha iyo odoyaasha uu wasiirku xidhay.


Talaabada uu wasiir cabdiwali ku xidh xidhay odoyaasha iyo muruudka maqaamka Sheekh Cali Balayle  ayaa lasheegay in uu amarka soo bixiyay wasiir cabdi wali oo isagu mudooyinkii udanbeeyay ku dhex milmay khilaafka beesha taasi oo lagu eedaynayo in uu isagu lafdhabar uyahay khilaafka jufadiisa hoose kala irdheeyay xiligan kaasi oo keenay in labadii maalmood ee udanbeeyay ay qaarkood warbaahinta iskaga soo jawaabaan

Loading...
Loading...