'' Wararkii U Dambeeyey Doorashadda Soomaaliya ''.

0
Saturday January 09, 2021 - 20:31:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Wararkii U Dambeeyey Doorashadda Soomaaliya ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Raysal wasaaraha Soomaaliya Mr Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashaddii la gelayo iyadoo aan cid dambe la sugaynin , kulankaas uu ka hadlayna waxaa joogey 3 maamul goboleed ee Jowhar  , Dhuusamareeb iyo Baydhaba , waxaana qorshahaa ka maqan labada maamul goboleed ee Kismaayo iyo Garoowe .



Qorshaha Farmaajo .

Farmaajo ugu dambayn wuxuu ka heley taageero wadanka Turkigga oo aan horre go'aan u gaadhin , qorshihiisuna waa in uu doorashadan gar iyo gardaraba ku helaa waliba gorgortan la'aan .


Ajandaha Farmaajo  .

Mr Farmaajo 3 qodob ayaa u diyaarsan in uu ku meel mariyo ajandihiisa doorasho oo kala ah ;-

1- Magac Habar gidir oo ay horseed ka yihiin Raysal wasaare Rooble iyo Madaxwayne Qoor-qoor .

2- Maaliyad dhaqaale  ka imanaysa cashuuro cusub , Shirkaddo Patrol iyo deeqo shisheeye .

3- Cudud Milateri   oo laggu jujuubo doorashadda laguna meel mariyo .


Dhaawaca ka dhasha doorashadaas  na Mr Farmaajo waxaa uga meel yaala in uu ku xaliyo laba qodob oo kala ah .


1- In marka doorashaddu dhacdo uu ka guuro Habar gidir isla markaana magacaabo Abgaal , ka dib marka ay kala dhintaan Habar gidir iyo Abgaal .

2- Ergo Daarood , oo ay hormood u yihiin masuuliyiintii Ururkii Sahal oo isu soo ladqabeeya Jubaland iyo Puntland taasoo la dhaho Tol waa tolane .


Musharixiinta mucaaridka .

Musharixiinta ilaa imika taagan waxaa ugu saamayn badan 2 musharax oo kala ah .

1- Xasan Cali khayre oo taageero ka haysta Kambaniyo patrolka ah oo taxan Norway ilaa Ruushka , sidoo kale wuxuu taageero ka haystaa Madaxwaynaha Jabuuti .

2- Ganacsade magaciisa la yidhaahdo Bashiir oo dhawaan ku dhawaaqi doona musharaxnimadiisa kaasoo ah hantiile haysta lacag badan .


Musharixiinta kale ee cadcad ee  kala ah , Sheekh shariif , C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh shariif ayaa u muuqda kuwo aan midaysnayn qorshe isu tanaasula aan ilaa hadeer muujinin iyadoo is barbar orodkeeduna yahay guul-darro ay ku hor ciyaarayaan .


Si kastaba ha ahaatee , anigoo is dhaw ula socda siyaasadda gobolka geeska Afrika guud ahaan , ayaa saaxiibaday badhkoodna doonayaan in iiga sheekeeyaan  siyaasadda Somaliland ee aan jilayaasheedaba wada garanayo .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...