"Xukuumadu Waxay Go'aansatay In La Bilaabo Hirgelinta Doorashooyinka".Raysal Wasaare Rooble

0
Saturday January 09, 2021 - 18:07:23 in News by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumadu Waxay Go'aansatay In La Bilaabo Hirgelinta Doorashooyinka".Raysal Wasaare Rooble

    "Xukuumadu Waxay Go'aansatay In La Bilaabo Hirgelinta Doorashooyinka".Raysal Wasaare Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadu Waxay Go'aansatay In La Bilaabo Hirgelinta Doorashooyinka".Raysal Wasaare Rooble


Hargeysa(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Image may contain: 3 people, people sitting, living room, table and indoor


Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay dadaalkii uu ku bixiyay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee ay qabeen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.


"Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”


Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay maanta sugayaan in la xoojiyo dowlad dhiskooda iyo horumarka ay xaqiijyeen sanaddihii lasoo dhaafay, si taas looga guul gaaro waa in dhammaanteen aan u istaagnaa sidii dhaqanka dimuqraadiyadeed loo sii adkeyn lahaa.


Madaxweynaha Dowlad-gobleedka Galmudug Mudne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa yiri” Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”.


Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in wadajir looga shaqeeyo sidii looga fogaan lahaa waxkasta oo caqabad ku ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020, kaas oo aasaas u ah qabsoomida doorashooyinka iyo si ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Image may contain: 5 people, people standing and suit

Loading...
Loading...