Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Fariin U Diray Reer Sool

0
Saturday January 09, 2021 - 13:49:46 in News by
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Fariin U Diray Reer Sool

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Fariin U Diray Reer Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Fariin U Diray Reer Sool


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Maxamed-wel Warsame Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay berri ka bilaabanto Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ka xog warramay muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay.




Xildhibaan Maxamed-wali Warsame Cali oo laga soo doorto Gobolka Sool, oo u warramayWargeyska Geeska Afrikaisaga oo ku sugan Magaalada Laascanood, ayaa si gaar ah baaq ugu diray Shacabka Gobolkiisa, waxaanu ugu baaqay inay is muujiyaan, oo ay kaadhadhka qaataan, waxaanu farriin gaar ah u diray Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi "Labadii Gobol ee ugu dambeeyey ayaa diiwaangelintii laga bilaabayaa, munaasibaddii daah-furka ee diiwaangelinta Gobolka Soolna si fiican baa loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Wakiillada, Madaxda Axsaabta, Madaxda Qaranka, Masuuliyiinta Komishanka iyo wax-garadka Gobolka Sool, aniguna dabcan munaasibaddii goob-joog baan ahaa, markaas dadweynaha labada Gobolba waxaan u soo jeedinayaa inay is diwaangelinayaan…”.


Mar uu si gaar ah taallooyin ugu soo jeedinayey Shacabka reer Sool ayaa yidhi "Sacabkaaga biyo lagaga dhergaa ee reer Sool, waxaan leeyahay gobanimada ay sameeyeen reer Widhi-widh idinkuna sameeya oo is muujiya, gacantiinana ku ciil baxa, hadba tirada aad leedahay ayaa wax lagugu qabtaa, ee hadada rabtaan in wax kasta la idiin qabto, waxaa muhiim ah marka hore inaad soo bandhitaan tiradiina oo aad qaataan kaadhka diiwaangelinta, Dawladduna mar kasta wax bay idiin qabsanaysaa, ee si wax walba la idinku qabto waa inaad codkiina iyo tiradiina muujisaan, Dawladduna waa inay mashariicaha horumarineed ee dalka ka fuliso, Gobolka Soolna ka fuliso….”


Loading...
Loading...