Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Q.1aad Tuur ( Abdi-shotaly).
Shalay oo ay Taariik-du ahayd 07/11/2019 (wakhati fiidnimo dambe ah) magaaladda London ee Caasimadda dalka UK, oo laga joogaa 16 sano kolkii ay tii’alle ku timi mujaahidkii (Cabdiraxmaan Axmed Cali (Illaah Naxariistiisa ha ka waraabiyo'e), maalin-taas oo ku beegnayd 2003ggii, sidaas awgeed waxan halkan idiinku soo gudbinayaa, sooyaalkii uu cagta ku soo dhuftay Madax-weynihii ugu horeeyey ee Somaliland Mudane " Abdirahman Ahmed Ali" Oo ku magac dheeraa Abdirahman Tuur, Wuxu ku dhashay magaala madaxdda Gobolka Togdheer ( Burco), sanadkii 1923kii Dabayaaqa-diisii, wuxu dugsiga hoose ee Burco galay markay da'diisu ahayd 11 jir, oo ah ka-ka dambeeya dawladda hoose, oo markaa la odhan jirey Tog-dheer Elementary School, Dugsiga dhexena wuxu ka galay Sheekh 1935kii, isaga oo isna dhameeyey 1938kii, waxay isku fasal ahaayeen (Ihun) Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo rag badan oo kale, kuwaas oo caan ku ahaa Maamuladdii Somaliya, isla sanad-kaas dabayaaqa-diisii, wuxu galay dugsiga sare ee sheekh, wuxu ahaan jirey ardaydda ugu xariifsan fasal-kiisa, sidda laga hayo (Ihun) Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal isaga oo ka baxay sheekh sare 1942-ggii. ( 4 sano ka bacdi). Wuxuu la dhashay 19 caruur ah oo ay walaallo yidhii, Dhanka hooyadda wuxu kala walaal ahaa 7 nin iyo hal gabadh ah oo Ilma Aadan Qalab-jaan ah, dhanka aabaha-na wuxuu lala walaal ahaa 8 nin iyo 4 hablo ah ( waa isku 19) iyo isaga oo ku 20 ah.
Isla markuu ka qalin jebiyey Dugsiga sare ee Sheekh, Cadbiraxmaan Axmed Cali (Tuur Ihun) Wuxu ku biiray gobonimo doonkii loo halgamaayey xoriyadda Somaliland, oo wakhti-gaas ay xukumi jirtey Boqortoo-yaddii Ingiriisku, oo uu ka noqday Xog-hayaha isku duba-ridda halgankii dhaq-dhaqaaqa xornimo doonka kooxddii waday, kaas oo uu madax ka ahaa Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal ( Labada-ba iyo intii kale-ba illaah janadda ha waraabiyo'e). Hadaba maamulkii ugu horeeyey ee ay yeelato Somaliya ( wixii lagu sheegi jirey Isku darka Koonfur iyo waqooyi), Wuxuu noqday Safiirkii ugu horeeyey ee loo diro suudaan ilaa iyo 1969kii, markaas oo uu isu sharaxay baarlamaankii Somaliya, isaga oo Bishii April 1969kii Xusbi ka furtay Burco la odhan jirey "Shan Farood iyo Calaacal" Laakiin nasiib darro kuma uu guulaysan in uu noqdo dibi-taati (MP) ka mid ahaadda Baarlamaankii markaas la doortay.
Markaa dabadeed waxa ka dib loo wareejiyey in ahaado Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliya. Mudo markuu safiir ka ahaa Itoobiya laga bilaabo badhtamahii 1969kii ilaa iyo dagaalkii dhex maray Somaliya iyo Itoobiya ee ahaa 1977-1978kii, ka dibna waxa loo bedelay in uu safiir ka noqdo dawladda Isu-taga ImaaraadkaCcarabta. Markii ay ahayd taariikh-du bishii March 1987 buu soo galay dalka UK, halkaas oo uu kaga biiray Halgankii SNM. Wuxu mar-kiiba noqday Gudoomiyaha UK, Xafiiskii SNM ee London, kuna yaalay Xaafadda East London ee dariiqii lo odhan Jirey Cleveland, Madax-weyne Cabdiraxmaan (Ihun), Wuxu dhisay siyaasaddii SNM ee debedda isaga oo albaabadda u soo xidhay isla kolkiiba, wixii aduunka uu ka dhaadhicin jirey maamulkii Af-weyne, isaga oo shaaciyey wixii la qarin jirey ee xasuuq, dil iyo dhibaato loo geystay Ummaddii reer Sheekh Isaxaaq markaa sheegan jirtey, iyo dagaalkii lagu dabar gonaayey, Isaga oo ahaa wakiilkii SNM ee u fadhiya Boqortoo-yadda Ingiriiska iyo dan jirahii Europe ee dhanka siyaasadda.Wuxu ku guulaystay in caalamku ( Gaar ahaan Wadamadda reer galbeedku) ay markii ugu horeysay indhaha ku kala qaado, ogaadaana waxa meesha ka socdaa sidda ay yihiin, kana digo rogtaan wixii uu ku dhuri jirey Keliggii taliyihii Af-weyne.
La Soco Qabta 2aad.
* N.B Rabbiyaw Godka U Nuur, Gargaar-kaaga Ugu Deeq!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!