Billicdii Hargaysa By Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash

0
Saturday January 09, 2021 - 09:08:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Billicdii Hargaysa By Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash

    Marka hore waxaan salamayaa akhristayaasha sharafta leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salamayaa akhristayaasha sharafta leh Marka hore waxaan salamayaa akhristayaasha sharafta leh iyo shabakada caalamiga ee Hadhwanaagnews.maanso yar oo bilicda hargaysa iga hooya.

Billicdaa hargaysee,
Iftiinkeedu baxayaa,
Waa badhaadhe eebee,
Ina  siiyay boqorkuyee,
Baax ahaan sideeduba
Waa boqol kun oo mayl.


Ilaa buurta gacankiyo
Xaafadaheeda badanee,
Balaadhano la yaabkiyo
Bayskeedu waa mid,
Loo boggo dhamaanteed

Bari iyo galbeedkeed
masalaha bartiisiyo,
Studiomka booligiyo,
Lagu dheelo bahashiyo
Siinayga baahsanee,
Baratanka ku fiicaniyo
Idaacada bidhaantalee
Laga baahsho wararkiyo
Kood-burta wacaniyo
Meesha aadan baradhiyo
Ednadaa la baal marin
Gedigiiba booqoo
Bal soo mar ayaamba

Barakayna leedahay
Taariikho buuranbay
Badideedu ka jiree
Xadaaradii bislaatee
Bunuudi hunuudu
Bildhankeedi dhisi jireen
Wali sii baaqiyee
Boqorow ilaali
Hamse Riiraash.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...