Farriin ka timi Xabaalaha Meadows of Peace oo ku socota Jaaliyada Soomaalida Bristol !

0
Saturday January 09, 2021 - 09:06:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriin ka timi Xabaalaha Meadows of Peace oo ku socota Jaaliyada Soomaalida Bristol !

    Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK

Asalaamu Calaykum

Saaka markii aanu soo aasnay Allah ha u naxariistee Saaxiibkayo Marxuum Cabdiraxmaan oo shalay Bristol ku geeriyooday, markii Aaskii dhamaaday ee Marxuumka loo duceeyay, qof kastana uu u diyaar garoobay inuu gaadhigiisa fuulo, ayaa waxaa si kediso ah kor u dhawaaqay Xafaar ka mid ah Xabaal-qodayaashii Golaha Deegaanka Bristol oo Asalkiisu uu Baakistaani yahay oo Xabaasha maamulayay.



Waxa uu dhawaaq aad u dheer ku yidhi Walaalayaal, ma og tihiin in imika dadka ugu badan ee  Xanuunka Covid-19 u dhimanaya ama u jiifaa ay Jaaliyada Soomaalida yihiin?


Xabaal-qodahaas Baakistaaniga ahi waxa u yidhi maxaa khaldan walaalayaal, maxaynu maalin kasta u waayaynaa dad inaga mid ah oo cimrrigoodu aanuu weynayn, wuxuu yidhi Illahay waynu aaminsanahay qadarkiisa, laakiin is weydiiya waxa Jaaliyada Soomaalida ee Bristol ka dhigay dadka ugu badan ee Covid-19 u dhimanaya ama u jiifa?


Run ahaan argagax iyo dhiillo aad u weyn ayay maqalka erayada ninkaasi ku riday dadkii  Xabaasha joogay.


Safka dheer ee ku teedsanaa kuna xigay Xabaasha aanu Cabdiraxmaan maanta ku aasnay waxaa ka muuqday Magacyada Xubno Jaaliyada Bristol ka tirsanaa oo rag iyo dumarba lahaa oo usbuucyo yar ka hor noolaa oo shaqaysanayay laakiin imika Dunida ka carraabay.


Iyada oo aan Qadarka Alle cidina is hor taagi karin oo qof waliba uu saacada loo qoray uu dhimanayo, hadana waxaa hubaal ah inuu dayac aad u weyn iyo is dhigasho badan ay ka muuqato Jaaliyada Soomaalida guud ahaa UK iyo gaar ahaan Bristol.


Imika oo aan qoraalkan qorayo waxaa Cisbitaalada Bristol ku jira xubno Jaaliyada ka tirsan oo qaar ay xaaladoodu aad u liidato Allah ha caafiyee.


Waxaan u soo jeedinayaa  Qof kasta oo ka tirsan Jaaliyada inuu xaqiiqsado xaalada caafimaad ee UK ka jirta iyo khatarta xanuunka Covid-19 ee ka sii daraysa. Waxaana ku waajib ah in qof kastaa uu masuuliyad iska saaro ilaalinta Naftiisa, Qoyskiisa iyo Bulshadiisa.


Allah ha u naxariisto intii inaga dhimatay, inta bugtana ha caafiyo, inagana ha inaga ilaaliyo. Aamiin.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...