Dawlada imaaaraadka ayaa qorshaynaysa inay dib u furto xuduudaha dhinaca hawada iyo badda ee ay la wadaagto dalka Qatar.

0
Saturday January 09, 2021 - 09:04:38 in News by
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada imaaaraadka ayaa qorshaynaysa inay dib u furto xuduudaha dhinaca hawada iyo badda ee ay la wadaagto dalka Qatar.

    Dawlada imaaaraadka ayaa qorshaynaysa inay dib u furto xuduudaha dhinaca hawada iyo badda ee ay la wadaagto dalka Qatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada imaaaraadka ayaa qorshaynaysa inay dib u furto xuduudaha dhinaca hawada iyo badda ee ay la wadaagto dalka Qatar.


Ka dib markii ay dawlada Sucuudigu shaacisay inuu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyey wadamada khaliijka iyo dalka Qatara isla markaana uu wasiirka arimaha dibadu shaaciyey inay dib u bilaabayaan dhamaanba xidhiidhkii ay la lahaayeen Doha ayey muuqdaan iskaashi cusub oo ay diyaar u yihiin wadamadii sadex sanadood ka hor go’doomiyey xukuumada Qatar.




Wasiirul dawlaha arimaha dibada ee dalka imaaraadka Anwar Gargash oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dawladaha Khaliijka ee xidhiidhka u jaray Qatar ay dib u bilaabi doonaan wada shaqayntii Dohaisla markaana deg deg loo bilaabayoxidhiidhka safarka iyo ganacsiga, isaga oo xusay in dawlada imaaraadku ay raacayso jidkii Sucuudiga.


Wasiirul dawle Anwar Gargash ayaa sidoo kale sheegay in talaabooyinka dib loogu soo celinayo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee wadamada Khaliijku ay la lahaayeen Qatar uu qaadan doono mudo balse hada awooda la saarayo isku socodka diyaaradaha, maraakiibta iyo ganacsiga.


Sadex sanadood ka dib dawladaha Khaliijka ayaa hada go’aansaday inay dib u soo celiyaan xidhiidhadii kala duwanaa ee ay la lahaayeen wadanka Qatar oo ay go’doomin ku hayeen.


Loading...
Loading...