Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Farmaajo Uu Cabdi Amni Uga Baaqday Kulamo Uu Kaga Gali Lahaa Gudaha Muqdisho?

0
Saturday January 09, 2021 - 08:56:37 in News by
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Farmaajo Uu Cabdi Amni Uga Baaqday Kulamo Uu Kaga Gali Lahaa Gudaha Muqdisho?

    Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Farmaajo Uu Cabdi Amni Uga Baaqday Kulamo Uu Kaga Gali Lahaa Gudaha Muqdisho?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Farmaajo Uu Cabdi Amni Uga Baaqday Kulamo Uu Kaga Gali Lahaa Gudaha Muqdisho?


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu cabsi amaan uga baaqday kulamo muhiim ah oo uu kaga qayb gali lahaa magaalada Muqdisho.

Farma – Puntland Post


Gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu cabsi dhinaca amniga uu ka qabo ay sababtay inuu ka baaqdo kulamo muhiim ahaa oo laga filayey inuu ka soo dhex muuqdo.


Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ayaa qoraal uu baahiyey ku yidhi "Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey. Madaxweynuhu markii uu xilka la wareegay wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu Al-Shabaab dalka laba sano uga xoreynayo, maantana xayndaabkii Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay.


Haddaba haddii madaxweynihii uu fagaarayaashii ka cabsaday, horeyna uu golayaashii doodaha kaga maagay, halkii mar uu dadka hor yimidna uu su’aalihii way adagyihiin iyo hebel waydiiya kaga baxay, maxay tahay sababta uu mar kale hoggaanka dalka u doonayo? oo uu weliba doorasho boob ah oo dalka fidno u horseedaysa ugu durbaan tumayaa?

Loading...
Loading...