"Gudeoomiye Faysal, Xisbiga Ucid Haku Soo Dhaweeyo Saaxiibkii Prof Cali Khaliif Iyo Khaatumo" Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini

0
Tuesday April 30, 2019 - 10:10:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gudeoomiye Faysal, Xisbiga Ucid Haku Soo Dhaweeyo Saaxiibkii Prof Cali Khaliif Iyo Khaatumo" Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini

    Dawladnimada Somaliland waxa ka muuqata qabyo badan oo dhinac kasta ah taasi oo si weyn uga muuqata qaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladnimada Somaliland waxa ka muuqata qabyo badan oo dhinac kasta ah taasi oo si weyn uga muuqata qaab

dhismeedka Dawladnimada Somaliland, haddii ay tahay masabyada siyaasigaa ee dalka ugu sareeya iyo haddii aytahay Xisbiyada Siyaasadaba dhamaan tood waxa ay gacanta ugu jiraan Beesha Dhexe ama (Reerka Isaaqa) manfac kasta oo dawladeedna waxa uu ku jiraa Gacanta Beesha dhexe iyaga ayaana isu hirdiyaaya,.taasina waa mida ugu weyn ee lugta haysa Dawladnimada Somaliland.



Haddaba haddii aynu si Sax ah u eeg heshiiskii dhexmaray, Dawlada Somaliland iyo Khaatumo waxa uu ahaa mid mihiimadiisa leh qayb weyn ka ahaa Nabada gobolada bariga Somaliland sidoo kale waxa uu ahaa heshiiskaasi mid Taam ka dhigaaya Dawladnimada Somaliland walow aanu wali Fulin oo laga sugaayo xukuumada Kulmiye ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi in ay heshiiskaas meel mariyaan maadaama oo goolaha wakiiladu Ansixiyeen Cod aqlabiyad ahna ku meel mariyeen, (Wali Qabyo waa halkeedii).


Heshiiska dhexmaray Khaatumo iyo Xukuumada Somaliland waxa si weyn uga shaqeeyay Xidigna ka ahaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo inta badana gacanta ku hayay prof Cali Khaliif fagaare kastana kaga faana in uu yahay Ninka Cali Khaliif iyo Khaatumo keenay Somaliland markasta haaddii ay sidaa tahay waxaan lee yahay Gudoomiye Faysal Xisbiga Ucid ku wareeji Prof Cali Khaliif.


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu goobkasta iyo fagaare kasta kaga faana in Uu Khaatumo iyo Cali Khaliif keenay Somaliland sidoo kale waxa uu sheegtaa in uu Asaas u yahay Dimuquraadiyada Somaliland, haddii ay intaasina Run katahay waxa maanta hor yaala sidii Xisbiga Ucid uu u badbaadin lahaa Xisbiguna Xisbi unoqon lahaa Faysalna uu baal dahaba uga gali lahaa Soyaalka taariikheed tusaale lasoo qaatana unoqon laha ALLOW SIDAA MA YEELI GUDOOMIYE FAYSAL.


Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini).

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...