Guushii ugu weynayd bay gaadhay dimuqraadiyadda Maraykanku....W/Q Rashiid Yuusuf

0
Friday January 08, 2021 - 19:13:26 in Articles by
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guushii ugu weynayd bay gaadhay dimuqraadiyadda Maraykanku....W/Q Rashiid Yuusuf

    Guushii ugu weynayd bay gaadhay dimuqraadiyadda Maraykanku....W/Q Rashiid Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guushii ugu weynayd bay gaadhay dimuqraadiyadda Maraykanku....W/Q Rashiid Yuusuf

Shalay ciidamada booliiska iyo kuwa fedaraalka ee Maraykanka iyo gobolka Washington waxay ku guuldareysteen in ay difaacaan xaruntii barlamaanka Maraykanka, awooddaro ma ahayn ee waxay ahayd ku talogal, Trump iyo tageerayaashiisu waxay ku talogaleen wuxuu ahaa inqilaab aanay ka fiirsan in ay sameeyaan, waayo wax waliba way isku dul baddaleen, wixii ay doonayeen ma ay dhicin oo ahayd in golaha Sanatku diido ansixinta electrol college oo madaxweyne loo aqoonsado Jeo Biden, saacado kooban ayay xarunta Capital Hill ku haysteen si afduub ah, kursigii Nancy Pelosi bay isku soo sawireen waxa kale oo ay burburiyeen xafiisyaddii xarunta, waxa soo gurmaday ciidamo ka yimi gobalka kale ee ku xiga Washington ee Maryland.
Image may contain: Rashid Yusuf



Xildhibaan ka soo baxa gobolka Maryland oo ah kan ugu soo xiga Washington ayaa isaga oo beerka u jiifa waxa uu tellka kala hadlay badhasaabka gobalkiisa wuxu ku yidhi "waxa noogu soo daatay dad hubaysan Capital Hill ee mana caawin kartaa? Badhasaabku wuxu ku jawaabay ma haysto amarkii aan ku iman lahaa halkaa. Badhasaabku wuxu ka hadlay wasiirka difaaca oo numberka ka qaban waayay, walow uu 3 saacadood ka dib uu xoghayntiisa u soo diray oo loo soo gurmaday xildhibaanada.

Wixii shalay dhacay waa laga daba yimi. Trump waxa laga ganaaxay isticmaalka baraha bulshada. Waxa laga yaabaa in xil ka xayuubin lagu sameeyo mar labaad ama goloha wasiiradu xilka ka qaadaan gudasho daro darteed sida uu dustoorkoodu qabo, lagamana hadhi doono arrintan, kuwii soo weeraray xarunta waxa la xidhay in ka badan 50 qof waana la soo wada qabanayaa. Sida oo kale madaxweyne kasta haddii aad tahay ma awooddid in inqilaab sameyso America,

Siday u guulaysatay dimuqraadiyaddu?

Shalay Trump oo qudhi ma fashilmin ee waxa sida oo kale fashilmay oo xididdadu u baxeen aragtidii uu hurmuudka ka ahaa ee baabulistiga la yidhaa ee nacaybka iyo asal raacnimada ku dhisnayd oo 2016 markii uu guuleystay Maraykan iyo Yurub ba ku faaftay, way adkaan doontaa in ay ka soo laabtaan dhirbaaxada shalay.

Sideeddii doorasho ee u danbeeyay ee madaxweynenimo ee ka dhacay Maraykanka todoba ka mid ah waxaa codka guud ku guulaystay xisbiga Obama ee Liberal ka ah, waxay sidoo kale shalay ku guuleysteen aqlabiyadda aqalka sare ee Maraykan ka 2 xubnood ee laga soo dooranayay gobolka Georgia, taasi waxay ka dhigaysaa aqalka sare, ka hoose iyo madaxweynenimadda ba in lagaga badiyay Trump iyo kooxdiisa, mar iyo laba naceybku wuu guulaysan karaa laakiin ma noqon karo aragti umaddo dhan lagu hoggaamin karo, waxaa Maraykanka jira laba aragtiyood oo midi naceyb iyo sareynta cadaanka ku dhisan tahay tan oo khatar ku ahayd dimuqraadiyadda Iyo mid ku dhisan wada jirka xorriyadda iyo ilaalinta xaquuqda aadanaha, iyada ayaana guulaystay ama aan idhaahdee guulaysanaysay 20kii sanno ee u danbeeyay, tan danbe way yar liici kartaa mase guuldareysan doonto waligeed. Waayo waa aragti ka saxsan midda ay is hayaan ee Trump iyo kooxdiisa.

Dadka ku doodaya dimuqraadiyaddii baa la ceebeeyay shalay lama ceebeyn ee way guulaysatay marka lagu eego saadaasha indhaha siyaasadda.

Waar Caweysin wanaagsan dadka waxaa aan shubay ka yaaboow
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...