Raysal Wasaare Rooble Oo Dib U Celiyey Magacaabista 12 Safiir+Sababta

0
Friday January 08, 2021 - 14:19:42 in News by
  • Visits: 2127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Rooble Oo Dib U Celiyey Magacaabista 12 Safiir+Sababta

    Raysal Wasaare Rooble Oo Dib U Celiyey Magacaabista 12 Safiir+Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Rooble Oo Dib U Celiyey Magacaabista 12 Safiir+Sababta


Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa ayaa dib u celiyay liiska 12 safiir oo la doonayey in la ansixiyo kaddib markii qaar ka mid ah xubnahagolaha ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga.



Wasiirada ka soo jeeday Koonfur galbeed oo u badnaa xubnaha ka hor yimid qorshahan ayaa saluugay habka awood qeybsiga safiirada cusub oo hal beel u badnaa.


Dood dheer ka dib Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo kulanka shir gudoominayey ayaa dib u celiyay magacaabida Safiirada la doonayey in la ansixiyo oo uu soo gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Maxamed C/risaaq.


Liiskan safiirada dib loo celiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax, Wasiiru dowlihii hore Wasaaradda Arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore ee Cadaaladda Ilka-jiir iyo xubno kale.



Loading...
Loading...