Axmed Cismaan Geelle: Maalgashade Dalkiisa Somaliland Nooleeyay Dabkana U Huriyay Qoysas Badan.

0
Tuesday April 30, 2019 - 09:49:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Cismaan Geelle: Maalgashade Dalkiisa Somaliland Nooleeyay Dabkana U Huriyay Qoysas Badan.

    Dhawr todobaad uun ka hor waraaq laga akhriyay madaxtooyada Somaliland waxa lagu faafiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawr todobaad uun ka hor waraaq laga akhriyay madaxtooyada Somaliland waxa lagu faafiyay war been abuur ahaa oo sidii ka muuqatay uumadaxwayne muuse u soo laqimay yarka u ah afhayeenka taasi oo aan loo miidaan dayin wixii ku qoraa iyo sawirka ay bixinaysaba, iyadoo aad arkayso sida uu ula gargariirayay oo cadaynaysa inay ahayd wax cid kale kasoo shaqaysay oo wixii ka run ahaa ay yaraayeen xataa xarfaha loo soo gaabiyay baniga BCMRC oo ahaa kii la inoo sheegay inuu Ganacade ahmed lacag kasoo dhacay.



Iyadoo sida saxda ah ay ahayd in Axmed bangigaas lacag ka amaahday laakiin ay sheekada badaleen qoyska boqortooyada reer jabuuti oo illaa 1977 dalka ku xukuma si aan sharci ahyn qasab iyo xoogna ku haysta xukunka ciddii ka hortimaadana loo galo sidii loo galay Yaasiin Yaabbe oo jeelka Gabood lagu khaarajiyay oo aynu wada xasuusan karno sheekadiisa.


Waxa iska caadiya in qof hantiile ahi lacag bangi ka amaaahdo bangiga xeerkiisa maro, ilayn bangigu ilmaadeer iyo xigto ma yaqaan ee waxa uu leeyahay shuruuc uu ku dhaqmmo e` kuwaas ayuun buu ganacsade Axmed na raacay oo ma jirto mana dhici karto in bangi noqdo sida dawlad diktaytor ah ha ahaadokan BCMRC ama mid kalebee.


Aniga oo imika maqaalkan qoraya waxa aanu lacag isku leenahay bangi ku yaala dalka UK. Xukumadu shaqo kuma laha hawshan waayo heshiiska waxa uu u dhaxeeyaa aniga iyo banigaga. Muuse Biixina isagoon waxba ogayn ayuu so xambaray wixii uu soo faray ismaacill cumar geelle.


Axmed Cismaan Geelle waa maalqabeen firfircoon oo ay mahadiyeen dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland isagoo ku leh shirkad si balaadan faai`dooyin ugu soo kordhisay. Bal qiyaas inta qoys ee si toos ah ama si dadban ba uga faai`day ee dab looga shido. Sideeda ma aha waxa fudud in dal aan caalamka laga aqoonsanayn la maalgashado oo lagu aamino malaayiin lacag ah taasi oo si fudud u lumi karta, bal day geesinimada iyo ku dhaca Axmed la yimi. Axmed oo ah nin dhalinyaro ah xoolahan waxa uu la tabcay aabihii cismaan geelle alle ha u naxariisto e oo ahaa fariid deqqsina ah sida ay ii sheegeen dad yaqaanay.

Hadaba waxaan jecelahay inaan u sheego Madaxwayne Biixi in been abuurkaa aanay umada reer Somaliland aqbalayn waaayo waa been abuur sumcadii dalka iyo dadkaba hoos u dhigaysa. Dadka reer Somaliland waxay leeyihiin caqli iyo aqoon ku filan oo ay ku kala saaraan beenta iyo runta. waxaan leeyahay Muuse waxa kuu banaanaa dariiqooyin badan oo aad si hufan ugu eegi lahayd arinka Eebe se kuma garansiin.


Ismaacill dan kama laha Somaliland waa cadawgeeda, waxa uu dagaal kula jiray taniyo markii ay jabahda SNM ahaayeen hadii uu naf u hayo dadka reer Somaliland oo uu hiil iyo walaal u yahay waxa uu noqon lahaa kan u horeeya ee aqoonsada. Dadka reer Somaliland abaal wayn ayay ku leyihiin Jabuuti waayo way la dagaal galeen xiliigii ay xoriyadeeda u dagaalamaysay, abwaaniinta oo kaliya ayaa u tiriyay in kabadan 20 heesood oo guubaabo ah.


Hadaba aan ku soo gabagabeeyo maqaalkan sheeko dhex martay Cabdi-Qaadir Xaashi (Mulkkiilaha Maansoor), aniga iyo Jaamac oo ay isku dugsi ahaan jireen Cabdiqaadir oo dagan dalka Canada. Anagoo fadhina barxada wayn ee maansor hotel ayuu Jaamac waydiiyay C.Qaadir inta qof ee u shaqaysa markii u Cabdi sheegay tiradii waxa u Jaamac kaga falceliyay in tiradaa lagu dhufan doono 6 waayo qoys walba oo reer Somaliland ah wax lagu qiyaasaa inuu ka kooban yahay 6 qof celcelis ahaan. Waxa soo baxayday tiro aad u badan oo ka dheefta hotel Maansoor. Haddii aynu tusaha nool ee jaamac ku ladhno imisa ayaa u shaqeeya ganacsade Axmed Cismaan Geelle, tirade soo baxdana ku dhufano lix waxa soo baxaysa tiro aad iyo aad u badan oo ka dheefta ganacsiga hal abuurka leh ee ganacade Axmed. In nin sidaa qaali ugu ah Somaliland la si fudud loo wareejiyona waa habeenkii xalay ahaa ee tagay?


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...