Dalkan Horiyo Diba Diid, Diradiraale Iyo Been, Dariiqyada La Joogo, Doorismoodaba Dilay.

0
Thursday January 07, 2021 - 09:08:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkan Horiyo Diba Diid, Diradiraale Iyo Been, Dariiqyada La Joogo, Doorismoodaba Dilay.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.[A.S.C.W.R.W.B.]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

MAAMULKA WAA LA DIIDA,WELIBA WAA LA DOORSHA,

DENBI MAAHA TAASIYE,DOODIBA WAXAY KA JOOGTA,

DADKU HADDMUU IS-AMINI,DASTURKAY DHIGTENIYO,

WAXANAY DOORANAAYAAN,DIINTENA WAAFAQSIINOY,

DUUMADAN QABIILKIYO,DANAYSI GAAR AH KAGA BIXI,

DUSHA MARO LA SUDHAYO,DAWLAD LAYSKA SHEEGTA,

WAXA KAAGA DOOR ROON,DADKAAGO CAAFIMAADIYO,

DALKAGOOD OGSOON TAHAY,HALKA MAALINTA DARAN,

DAGAAL CULUS IN LALA GALO,DULMIGA IYO EEXDIYO,

WAX ISDABA MARTAYNTIYO,DANTA GUUD KUWII XADA,

DAQIIQAD YAANAY NOOLAN,KUFSIYO DIL KUWA GALAY,

DUNIDA DUULKA KUU NECEB,DUDMO YANAY KUU GEYN,

DALKA KUWA ISKA DIIDAYEE,DABAGALAY CADAAWAHA,

DALAB SAAMAXAADIYO,DISTOORKA U FURTEEN XIDHA,

DAADKOODA NAGA MOOS,DIBNA YAANAY SOO NOQON,

                                 ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...