Ma Hargeisa Ayaad Degan Tahay Mise Hargaysa

0
Thursday January 07, 2021 - 08:58:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Hargeisa Ayaad Degan Tahay Mise Hargaysa

    Waa Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden Diiriye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden Diiriye

Nin aanu saaxiib nahay oo cadaan ah ayaa ka soo shaqeeya caasimada Somaliland mudo 3 sanno ah. Markii uu soo noqday ayan ku idhi ka waran Somaliland ? wuxuu iigu jawaabay adigu ma Hargeisa ayaad degan tahay mise Hargaysa ?waxan ku idhi, Oo maxay kala yihiin?wuxuu yidhi; waxa kala qaybisa wadada airportka ka timaada ee santarka magaalada ku dhacda  ee ila idaacada kor u socota.



HARGEISA: waxa ku taal madaxtooyada , wasaaradaha , dhakhtarka , idaacada, supermarket yada , jaamacadaha , garoomada ciyaaraha: xerooyinka milateriga iyo policeka : maxkamadaha.Wershada biyaha , wershada laydhka.


HARGAYSA: waxa ku taal Xero dhiigta, Xabaalaha , Meesha qashinka lagu qubo,Meesha saxarada magaalada lagu qubo, Barakacayaasha , Wershada cumaani ee boodhka iyo  dhaska qaybisa  imikana waxa la dhagax dhigay dhakhtar iyo wershada qashinka  oo la iska barbar dhisi doono . markii dad yidhaahdeen  maa la kala fogeeyo dhakhtarka iyo wershada qashinka waxa la yidhi waxay ku jawaabeen : maa daama dadkan dhakhtarka ku jiraa intii ay caafimaad qabeen oo dhan qashinka dugsan jireen asaanay imika socsocon Karin waa in loo soo dhaweeyaa urta qashinka.


Hadii aad xataa Google ku baadho Hargeisa waad ka heli kartaa laakiin Hargaysa wax jira maaha.

Ninki markuu warkii ii dhameeyey Ayaan ku idhi:  waxa jira saddex aan midna la samayn Karin.


1.    Timahaaga  ma tirin kartid

2.    Indhahaaga gudahooda ma maydhi kartid

3.     Intaad carrabka debeda u soo saartana ma neefsan kartid.


Wuu ogyahay inaanu labada hore midna samayn karin laakiin wuxuu isku deyey inuu ta saddexaad sameeyo oo intuu carrabkii debada u soo saaray ayuu isku deyey inuu neefsado markaasaan ku idhi: waar carrabka cesho qof weyn baad tahaye.

 

Waa Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden Diiriye

                        Sweden

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...