Saamiyada La Iibinayo Ee Shirkaddaha Sahaminta Macdanta, Shidaalka Somaliland iyo Somaliya …

0
Thursday January 07, 2021 - 08:53:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamiyada La Iibinayo Ee Shirkaddaha Sahaminta Macdanta, Shidaalka Somaliland iyo Somaliya …

    Waa Sharci-daro Ee Waa Inay Baarlamaanku Joojiyaan by. Prof. Mohamed Ahmed Farah (jaafaa)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sharci-daro Ee Waa Inay Baarlamaanku Joojiyaan by. Prof. Mohamed Ahmed Farah (jaafaa)

Wasiirka Macdanta ee Somaliland, Somaliya iyo Shirkadaha Sahaminta Macdanta ayaa u muuqada in ay soo afjarayaan howlihii saami iibinta ee Kheyraadka dalka Somaliland iyo Somaliya.

 

Waxaa aad sare uga kacay suuqyada ganacsiga caalamka gaar ahaan dalka Turkiga iyo Koonfur Afrika (+10.33%) samiyadda shirkaddaha yaryar ee Sahaminta Macdanaha iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

Sida ku cad boggaga internetka ee Shirkadahaas,  waxay shirkaddahani ka shaqeeyaan iibinta macluumaadka macdanta, saliidda iyo gaaska ee ay ka ururiyaan badda iyo bariga ,  iyagoo oo dhinaca kalena Shirkadahani  ka sii iibiyaan Shirkado kale  heshiisyada ay la galeen Xukuumada Somaliland iyo Somaliya, kuwaasoo Bilyan doolars ku sii iibiya, Liisamada caddaymaha ah ee  Xukuumada la galeen lana  xidhiidha meelaha ay ka haystaan macluumaadka  xogaha Macdanta iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

 

Waxan halkan ku cadeynayaa in heshiisyada dowladda Soomaaliland it iyo Somaiya la gashay shirkadahan shisheeye ay yihiin heshiisyo sharci darro ah, lana sii kala iibinayo saamiyo oo khiyaamo badana ku jirto, sidoo kalena aan lagala tashan golaha baarlamaanka Somaliland iyo Somaliya.

 

Waxan ugu baaqayaa in Wasiirada Macdanta iyo shirkadahaas ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada iyo safarada ganacsi ee ay wadaan, inta ay ka cadeynayaan in heshiiskoodu yahay mid sharci ah iyo mid aan sharci ahayn.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)

Kristiansand. Norwey

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...