Twitter-ka Iyo Facebook Oo Xannibay Akoonka Trump

0
Thursday January 07, 2021 - 08:44:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Twitter-ka Iyo Facebook Oo Xannibay Akoonka Trump

    "Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso..."

Donald Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka Twitter-ka iyo Facebook kaddib markii uu qoraal u soo qoray taageerayaashiisa weeraray dhismaha US Capitol.



Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu dibadbaxayaasha wuxuu ku yiri "Waan idiin jeclahay" kahor inta uusan ugu baaqin inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.


Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.


Shikradda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.

Waxay sidoo kale shirkaddu sheegtay in haddii mar kale meel looga dhaco shuruucda Twitter-ka... ay taasi sababi doonto in gebi ahaanba la xannibo akoonka @realDonaldTrump".


Waxay tan ka dhigan tahay inay soo dhammaanayaan maalmaha Donald Trump ee isticmaalka Twitter-ka. Madaxweynaha laguma yaqaanno inuu dheg u dhigo shuruucda Twitter-ka.


Dhanka kale, Facebook ayaa muddo 24 saacadood ah xanninay akoonka Mr Trump. YouTube ayaa sidoo kale tiray muuqaalka.


Facebook ayaa yiri: "Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda."


Taageerayaashiisa ayaa galay xarunta Kongareeska waxayna isku dhaceen booliiska, taas oo sababtay dhimashada hal haweeney ah.


Qalalaasaha ayaa sababay in la hakiyo dooddii Kongareeska ay ka yeelanayeen guushii Joe Biden ee doorashada.


Aqallada wakiillada iyo kan sare, ayay xubnaha Jamhuurigu dood ka keeneen ansixinta natiijada doorashadii dhacday bishii November.


Kahor qalalaasaha, Madaxweyne Trump ayaa taagerayaashiisa ku sugnaa National Mall ee Washington u sheegay in doorashada lagu shubtay.


Saacado kaddib, markii ay rabshado ka dhaceen gudaha iyo bannaanka US Capitol, wuxuu ka soo muuqday muuqaal isagoo ku celiyay sheegashada been abuurka ah.


Wuxuu dibadbaxayaasha ku yiri "Waan idiin jeclahay" wuxuuna dadkii weeraray dhismaha Capitol ku tilmaamay "waddaniyiin".


YouTube ayaa sheegay inuu ka saaray muuqaalkaas sababtuna ay tahay inuu meel uga dhacayo siyaasadaha ku aaddan faafinta ku shubashada doorashada.


Waxay u muuqataa in madaxweynaha la doortay ee Joe Biden uu marka talada qabto la dagaallami doono fakradaha xagjirnimada ah ee lagu wadaago baraha bulshada.

 

BBC

Loading...
Loading...