Heshiiska Walaalaha khaliijku muxuu uga dhigan yahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamka?

0
Wednesday January 06, 2021 - 20:19:29 in News by
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska Walaalaha khaliijku muxuu uga dhigan yahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamka?

    Heshiiska Walaalaha khaliijku muxuu uga dhigan yahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska Walaalaha khaliijku muxuu uga dhigan yahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamka?

Lixda dalka ee ku bahoobay magaca iskaashiga walaalaha khaliijka iyo dalka Masar ayaa saxeexay baaqa caluula (Al ula Declaration ) ayaa khatar iyo faa'iidoba u leh dalal badan iyo danno siyaasadeed oo ka socda caalamka iyo gobolka Geeska Afrika. Heshiiska Khaliijku ma aha dhammaadka khilaafka Carabta. Iiraan iyo Sucuudiga weli waxa ay ku hirdamayaan Yemen.


Hordhac.

Walaalaha Khaliijku, hore waxa ay u ahaayeen todobada dal balse burburkii ciraaq kadib, walaalaha Khaliijku waa lix dal oo kala ah, Sucuudiga, Qatar, Baxrayn , Imaaraatka, Cumaan iyo Kuwayd waa dalal isku dhaqan, Luuqad ah iyo diinta ah, badankoodu waxa ay wadaagaan xuduud dhuleed mid cir iyo mid badeedba, si kala hadii aan u dhigo oo shanta Soomaaliyeed oo shan dowladood madaxbanaan noqda kadibna samaysta Ururka Walaalaha Soomaalida lagunna biiriyo Jaziirada Suqadara ee Yemeni sheegato.
Image may contain: text that says 'Kuwait Bahrain Qatar Saudi Arabia UAES Oman'


Sanadkan 2021, Magaaladda Waqooyiga ku taala ee Caluula ayaa lagu qabtay shirkii 41aad ee Walaalaha Khaliijka oo saddexdii sanno ee u dambeeyay shirka aanu ka qaybgalin Amiirka Dowlada Qadar, Balse shirka Walaalaha Khaliijku wuu qabsoomayey ilaa intii uu socday khilaafku, waxaanna dhacday dhowr jeer in Amiirka Qadar wakiishay wefti hoose ah oo dalkiisa ku metelay Shirarkii Walaalaha Khaliijka.

Shirka 41aad ee Iskaashiga Walaalaha Khaliijka Maxaa kasoo baxay ?.

Shirka waxaa kasoo baxay in la heshiiyey oo nala soo celiyo iskaashigii Khaliijka, Heshiiska Iskaashi Walaalaha Khaliijka iyo xidhiidhka wanaagsanaaday ee Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijku kama dhigna inuu dhammaaday tartankii u dhaxeeyay ee dhinaca ganacsiga, siyaasadda sababta oo ah weli isku dan lama noqon, sideedabana wey adag tahay in dalal kala duwan wax kasta isku dan ka noqdaan. Waxaase hubaal ah in Qatar ka tanaasushay waxyaalo badan sidoo kale Imaaraatka iyo Sucuudigu ay ka tanaasuleen danno badan oo ay lahaayeen.

Haddii aan dib ugu yare noqdo khilaafka dalalka Khaliijku waxa uu ku bilaabmay tuhun la tuhmay dowlada Qatar ay la safan tahay oo lagu tuhmay inay la safan tahay Dowlada Iiraan, waxaa si gaar ah isha loogu qabtay Warbaahinta Aljazeera oo Qoyska boqortooyada Qatar leeyihiin oo boqortooyada Sucuudiga ku eedaysay inay duqeeyeen cusbitaal, dugsiyo waxbarasho iyo meelo ay joogaan caruur iyo dad aan hubsidan.

Xudunta khilaafka khaliijku wuxuu ahaa dagaalka Yemen ka socda oo ay ku hirdamayeen xulufada Sucuudiga iyo Iiraan oo la kala safanna dagaalyahanda sunniga iyo shiicada ee Yemen ku dagaalamaya, khilaafkaasi sidiisa ayuu u taagan yahay ilaa hada oo xal muuqda lagama gaadhin balse Waa maxay danta isu soo celisay walaalaha khaliijka.

Walaalaha Khaliijka waxa ay ku qasbanaadeen inay heshiiyaan sababta oo ah Doorashada Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden waxa ay jiho ka duwan tii madaxweyne Trump u qaadi doontaa siyaasadda debedda iyo amaanka ee Maraykanka, Madaxweyne Joe Biden oo 20 bishan xilka Madaxweynaha la wareegaya waxa uu soo celin doontaa Siyaasadii Madaxweyne Barak Obama ku maamulay barriga dhexe xilligiisij, Sidaasi darteed isbedelka Maraykan ka dhacay ayaa saamayn xoogan ku leh Heshiiska Walaalaha Khaliijka, Xisbiga Diqmuraadiga ee guuleystay waxa ay dib u soo celin doonaa Wadahadalkii Iiraan iyo Heshiiskii uu saxeexay Madaxweyne Obama ee kusaabsanaa Nugliyeerka Iiraan, waanna suurtogal in cunaqabaynta Trump saaray Iiraan laga qaaddo Dowlada Iiraan.

Sida balanqaadku yahay, Madaxweyne Joe Biden maalinta koowaad ee xukunkiisa waxa uu dib uugu noqon doonaa Heshiiska Ilaalinta deegaanka ee Paris lagu saxeexay oo Madaxweyne Trump ka baxay wakhtigiisii arrintaasi waxa ay saamayn ku yeelanaysaa dalalka shidaalka soo saara iyo kuwa Warshaha leh.

Heshiiska Walaalaha Khaliijka waxa sidoo kale markii ugu horaysay qayb ka ah dalka Masar oo aan iyadu ku jirin dalalka Walaalaha Khaliijka balse ka mid ah saxeexayaasha Heshiiska walaalaha Khaliijka.

Sida Heshiisku ku cadna Khaliijka oo Dalalka khaliijka oo Qatar ku jirtaa waxa ay isgarab taagi doonaan dalka Masar ilaalinta Biyaha Wabiga Niilka oo ay Itoobiya isku maandhaafsan yihiin qaybsiga Biyaha Webiga, Qodob dhan oo heshiiskan ka mid ah ayaa sheegaya in Wadamada Walaalaha Khaliijku ay ilaalin doonaa dhammaan danaha carabta oo masar ku jirto, sidaasi darteed Masar faa’iido weyn ayay ka dhaxli doontaa heshiiskani.

Maxaa laga heshiiyey maxaanse laga heshiin ?.

Walaalaha Khaliijku kama heshiin indhaha lagu eego Turkey oo Qatar isgarab taagay, Waxaase moodaa in Iiraan dhinac laga wada mari doonno balse lagama heshiin isku mawqifna lagama ah arrinta Yemen.

Qodobka ugu muhiimsan ee heshiisku waxa uu u dhigan yahay sidan " Si loo gaadho nabadgelyo, nabad, xasillooni, iyo barwaaqo gobolka Waxay dalalka xubnaha ka ah Shirkani u wada shaqaynayaan iyadoo mid ah dhinacyada, dhaqaale, siyaasadeed iyo caawimada.

In khaliijku ku hadlo luuqad dublamaasiyadeed oo midaysan arrin xoogeeda leh, Waxaanna talaabadii ugu horaysay lagu bogaadiyey hoggaamintii boqortooyada Sucuudiga ee Golaha G20 ee sanadkan, Waxaa la isku raacday in dib loo soo dardargeliyo aragtidii Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis kusoo bandhigay shirkii 2015 ee ahayd in la sameeyo difaac Ciidan oo midaysan kaasi oo difaaca danaha Wadamada Khaliijka iyo Dalalkoodaba.
Walaalaha Khaliijku waxa ay ku heshiiyeen inay ka midoobeen in Siyaasadda arrimaha dibedda mid mustaqbalka dhow iyo in la sameeyo isku dhaf difaac amni oo xoog badan kaasi oo leh hoggaan Sare iyo Guddiga Difaaca Amniga Walaalaha Khaliijka oo Maamuli donna Ciidanka Dhaqaalihiisa , qalabkiisaba,Qorshayaashiisa.

Waxa kale oo lagu heshiiyey in la sameeyo Xarunta Xakaynta iyo ka hortaga Xanuunada ee Wadamada Khaliij, Suuqa Guud ee Khaliijka iyo in si wadajir ah loo maalgashado mashaariicda dhinaca dhaqaalaha ah.

Muwaadiniinta walaalaha Khaliijka waxa loogu bushaareeyay in qofkastaa oo meesha uu doonno degi karto, Maalgashan karo ama caafimaad iyo waxbarasho u tagi karo.

Masar iyo Heshiiska Walaalaha Khaliijka.

Sababta Masar qayb uga noqotay Heshiiska Suudaanna uga maqan tahay waa arrin isweydiin leh, Waxaasi jirta in Masar iyo Sucuudigu Wadaaan Qorshe la xidhiidha Marinka Baddacas iyo Gacanka cadmeed kaasi oo danaha Sucuudiga iyo Masar aad isugu dhaweeyay.

Suudaan sababta aan loo marti qaadan waxa ay noqon kartaa Heshiiskii dhawaan dhexmaray Suudaan iyo Ruushka sidaasi darteed iyada oo Maraykan laga baqayo ayaa laga tagay Suudaan waa arrinta ugu dhow laakiin lama xaqiijin karo.

Masar Heshiiskani waxa ay ka heshay fursad cajiib ah sababta oo ah ilaalinta biyaha webiga niilka waxa uu noqon doonaa dan dal carbeed qodob heshiiska ka mid ah ayaa u qoran sidan " Saxiixa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee bayaanka caluula wuxuu cadeynayaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Masar iyo dowladaha khaliijka. Xaqiijintani waxay timi heshiiskani, kaas oo qeexaya isku duwida, iskaashiga iyo is dhexgalka dowladaha khaliijka ujeedadeeduna tahay xoojinta iyo u adeegidda danaha Carabta.

Gunaanad

Heshiiskani waxa uu saamayn weyn ku yeelan doonnaa Soomaalida iyo gobolka Geeska Afrika sababta oo ah Masar iyo Sucuudigu qorsheeyeen in la sameeyo ciidan ilaaliya marinka badda cas iyo gacanka gacmeed Waxa ay xulayfaysanayaa sidii dalalka Khaliijku gacanta ugu dhigi lahaayeen marin biyoodka Gacanka cadmeed iyo badda cas.

Dhinaca Kale Dowlada Itoobiya oo xuluufaysanaya Urur goboleedka IGAD ayaa doonaysa inay biyo badeed meel uu ka gaadho, si Qorshahaasi u hirgalo waxa ay Itoobiya hormuud ka noqotay Qorshaha IGAD Task Force on Redsea and Gulf of Aden qorshahan mid lidi ku ah Qorshaha Sucuudiga iyo Masar.

Dowlaha Sucuudiga iyo Masar waxa ay wataan qorshe 1974 la sameeyay oo lagu aas aasay baaqa Regional Convention for the Conservation of the Red Sea and the Gulf of Aden Environment. Heshiiskaa waxaa xubno ka ahaa oo kaliya wadamada badaha leh ee ku teedsan Badda cas gacanka cadmeed iyo baabul mandab.

Labadan Qorshe waxaa suurtogal ah inuu guulaysto ka Maraykanka iyo Ingiriisku taageeraan sidaasi darteed Walaalaha khaliijka iyo Masar waxa ay Maraykanka iyo Ingiriisku kula hadli doonaan cod midaysan , Qorshaha Itoobiya ee IGAD Task Force, Masar waxa ay ku bixin doontaa dedaal kasta si aannu u midho dhalin.

Waxaase isagunna ka hadalkiisa iyo saamayntiisa leh saldhiga Ruushku ka samaysanayo Suudaan iyo Heshiiska Ruushka iyo Suudaan ee iskaashiga difaaca iyo Amniga.


Suxufi:- Saleebaan Sahal Jaamac.
Loading...
Loading...