Qofka Darreenkiisa Si Aad U Hanato Ku Deddaal Qoddobadan: W/Q:-Ahmed Abdirahmaan Ali

0
Wednesday January 06, 2021 - 20:02:13 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofka Darreenkiisa Si Aad U Hanato Ku Deddaal Qoddobadan: W/Q:-Ahmed Abdirahmaan Ali

    Qofka Darreenkiisa Si Aad U Hanato Ku Deddaal Qoddobadan: W/Q:-Ahmed Abdirahmaan Ali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka Darreenkiisa Si Aad U Hanato Ku Deddaal Qoddobadan: W/Q:-Ahmed Abdirahmaan Ali


1- Ku dadaal dhoolla caddaynta yar ee aan qosolkana u muuqan, haddana la dagaalamaysa weji xirnaanta.


2- Ereyada wanaagga iyo ammaanta leh, laakiin runta ah ee aanay buun buuninta iyo beentu ku jirin oo aad adeegsato.

3- Haddiiba doodi timaaddo ama si arrin loogu kala aragti duwanaado, weligaa ha ku adkaysan in kaagu uu kii saxda ahaa yahay, kan kalana qaldan yahay, balse ku dadaal isu soo dhoweyn iyo in aad dhinacyo badan qofka wax ka tusto

4- Shay kasta oo aad ka hadlayso afkaaga inta aanad u kala furin hubi in aad xaqiiqadiisa si cilmi ah oo run iyo waaqac ah u hayso, haddii kale dib u dhigo si marka aad soo hubiso aad uga hadasho.

5- Muranka iska jir, waayo muranku shakhsiga kale waxa uu ku beeraa canaadnimo iyo in uu dagaal iyo ficiltan galo.
No description available.


6- Haddii aad jeceshay in aad kal gacalka dadka kasbato, magacyadooda xasuuso oo ha iloobin.

7- Waqtigaaga oo dhan ha ku qaadan talo iyo in aad waanooyin uun bixiso, ogowna oo taladu waqti ku habboon iyo qaab ku habboon oo loo dhig ayaa ay leedahay, si ay miro dhal u noqoto.

8- Haddii aad doonayso in aad adigu dadka hoggaamiso oo aad u horreyso, tus in aad daba socoto oo aad diyaar u tahay ama ficil ku muujiso in aad daba socoto.
9- Noqo ruux go’aankiisa iyo taladiisa fulin ku laran, wixii aanu fulin karinna marka hore aadan dusha u ridan.

10- Qofka aad la hadlayso u muuji muhiimad in uu leeyahay, laakiin haddana ay tahay muhiimad is-weydaar ah oo la mid ah muhiimadda aad adiguna isaga agtiisa ku leedahay, si sinnaani u muuqato.

Qoraa: Ahmed Abdirahman Ali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...