Madaxtooyada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Safarka Farmaajo Ku Tagay Wadanka Itoobiya

Tuesday March 05, 2019 - 16:14:55 in News by
  • Visits: 1917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Safarka Farmaajo Ku Tagay Wadanka Itoobiya

    Madaxtooyada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Safarka Farmaajo Ku Tagay Wadanka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Safarka Farmaajo Ku Tagay Wadanka Itoobiya

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

DHAMMAAD


Loading...
Loading...