Muuse Biixi Oo Garab Maraya Casharadii Uu Sheegay Inuu Ka Bartay Madaxweyne Cigaal

0
Wednesday January 06, 2021 - 18:53:55 in News by
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Garab Maraya Casharadii Uu Sheegay Inuu Ka Bartay Madaxweyne Cigaal

    Muuse Biixi Oo Garab Maraya Casharadii Uu Sheegay Inuu Ka Bartay Madaxweyne Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Garab Maraya Casharadii Uu Sheegay Inuu Ka Bartay Madaxweyne Cigaal

Haddaba, Saaxiibayaal Waxa Muuqata In M/Waynuha Somaliland Ee Xilka Hayaa Haddii Uu Khalad Siyaasadeed Ama Mid Dhaqan Uu Galo.
Image may contain: 2 people


AMA Ujeedadii Hadalkiisa Sidii Uu Ula Jeeday Si Aan Ahayn Loo Fahmo Arintaa Wuxuu Kaga Jawaabaa Aamus, Iyo U Dhagoolee Si Ay Dadku Maalmo Kooban Ugu ILLaawaan Wixii Dhacay Sidaasi-na M/Wayne Xal Maaha.

Bal Hadaba Aynu Dib U Milicsano Qaar Ka Mid Ah Ereyadii Uu AUN Marxuum Cigaal Dhex-taalka Uga Dhigi Jiray Qudbadihii Uu Jeedin Jiray Isla Markaa-na Ahaa Duur Xul Siyaasadeed.
Oo Uu Ka Lahaa Ujeedo Isaga Xilligaas Wax U Taraysay, Laakiin Hadalka Uu M/Waye Biixi Agabar Ka Yidhi Lama Mid Aha Hadaladdii Duur Xulka Siyaasada Ahaa Ee Uu Marxuum Cigaal Ku Hadli Jiray.

Waxa Kale Oo Marxuum Cigaal Caado U Ahayd Marka Uu Wasiiradiisa Xilka Ka Qaado In Uu Digreetada Xil Ka Qaadista Uu Ku Soo Qori Jiray Eray Suugaaneed Muujinaya Sabab-tii Uu Wasiirkaa Xilka Uga Qaaday.

Oo Xataa Ay Ka Mid Ahayd Markii Cigaal Uu Xilka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ka Qaaday M/Wayne Muuse Biixi 1995-kii Ereyaddii Laga Dhaxlay Marxuum Cigaal-na Waxay-nu Ka Xusi Karnaa Kuwan Soo Socda..

1. Ciise Muuse Waa Gob, 

 2. Jaraa'idka Ka Soo Baxa Dalka Jarmalka Ayaa Qoray Ina Cigaal Waa Mishiin Wayn Oo Gaadhi Yar La Saaray.

3. Waa Rafad-kii Ay Rafanaysay. 

 4. Daydayo Haddaan Kuu Fasaxay Dibad Wareegii, 

 5. Inantii-nu Ninkay Kuu Keentaa Waa Ayaan-kaa.

6. Waxan Aanu Ku Jirnaa Dagaal Maaha Ee Waa Mashruuc, 

 7. Burco Laguma Kala Adkaan Ee Waanu Isku Bar-bar Dhacnay IWM.
Hadaladaasi Waxay Ahaayeen Erayo Duur Xul Ah Ujeedo Siyaasadeed Oo Ay Dani Ugu Jirta-na Uu Ka Lahaa AUN Marxuum Cigaal Xilligaasi.

Isaga Oo Marxuum Cigaal Aan Dadka Reer Somaliland U Kala Qaybin Jirin Bari Iyo Galbeed Halka M/Wayne Biixi-na Uu Odaynimadii-sa Ku Soo Koobay Gobol Gaar Ah.

Ugu Danbayn M/Wayne Biixi Waxaan Kula Talin Lahaa Ha Shakiyin Oo Inaad M/Waynaha Somaliland Tahay Ha Ka Shakiyin Sidii Sooraan Uu Uga Shakiyey Ri'dii Uu Watay Markii Dadka Qaar Ay Ku Yidhaahdeen Waxan Aad Wadataa Ri Maaha Ee Waa Lax.

Saddex Sano Ayaad Ahayd M/Waynaha Somaliland Muddo Xileedkii Lagu Doortay-na Waa Shan Sano Umadda Somaliland Oo Dhana Adiga Ayaa M/Wayne U Ah Bari ILLaa Galbeed.


 Qoraa Cabdirisaaq Suudi

Loading...
Loading...