Faysal Cali Waraabe Oo Wacad Ku Maray Inuu Farmaajo Soo Saarayo.

0
Wednesday January 06, 2021 - 17:38:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Wacad Ku Maray Inuu Farmaajo Soo Saarayo.

    Ruuxa aynu ka hadlaynaa waa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo taariikhdii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruuxa aynu ka hadlaynaa waa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo taariikhdii

Faallo:-Hadhwanaagnews

Hargeisa(HWN):-Soomaaliddu horay u tidhi tiisaba daryeellaa tu kalenna ku darra.! Hadalkaasi waa dhab, waayo ruux aan isaguba marka uu kufo aan kici karrin hadduu wax kuu sheegto waa arrin yaabkeedda leh. Horta isagu ma kacaa oo ma yaqaannaa sida loo ordo ama loo cararo marka uu tartanku jiro? muxuuse ka bartay dhawrkii jeer uu baratanka ama tartanka ku guuldaraystay.



Ruuxa aynu ka hadlaynaa waa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo taariikhdii shalay ee 5/1/2021 ka hadlay Doorashadda dawladda federaalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in isagoo ku xumaynaaya Hawiye ama Abgaal uu saarri doono Madaxweynaha hadda Xilka haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe: Haddaan helo cid aan ku aamino xisbigeyga waan uga kacayaa kursiga - BBC News Somali

Haddaba, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe awood ma u leeyahay innuu soo saarro Madaxweynaha uu rabo ee Soomaaliya? Maxay tahay Saamaynta siyaasaddeed ee uu Faysal Cali Waraabe ku leeyahay magaaladda Muqdisho ee xarunta dawladda federaalka Soomaaliya? Runse maka tahay innuu taageersan yahay Madaxweyne Farmaajo mise waa Caaddifadiisii yarayd ee dhawrka cisho uu maalin-ba dhinac ku weerari jirey. Waxaan maqli jirey uun Bacaluul is qaadday! Waaba tabtan Faysal uun. Hadda laba toddobaad uun baa laga jooggaa maalintii uu lahaa Madaxweyne Farmaajo waannu ka soo saarraynaa Madaxtooyadda Soomaaliya, inkastoo aannu maalintaas carabaabin cidda uu rabbay innuu ku badalo, waxaanse filayaa cidda uu watay ee uu rabay innuu Farmaajo ku badalo innuu Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh Maxamuud uu mid ahaan watay, maantanna waxa uu leeyahay Farmaajo ayaan soo saarrayaa.


"Xasan Sheekhow xalayto waa lagu dhagaystay, haddaad Abgaal tihiin ishu way idinka jilicdaa sidii Awrtii koronka ahayd, kaas Mareexaan baannu soo saarraynaa madaxa ha idinka jarree. Balan waxaan kuugu qaadday Farmaajow inaan kugu soo celiyo Kursiga" Sidaa waxa hadalka u yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo taagga is biddaaya innuu saamayn siyaasaddeed ku leeyahay doorashadda Madaxtinnimadda ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya.


Xaqiiqduse waxay tahay hadalka Faysal Cali Waraabe waa faan aan meel jirin, waa Caaddifaddiisii yarrayd ee dhawrka cisho. Waa run oo Faysal saamayn siyaasaddeed oo heerkaas gaadh-siisan kuma laha Soomaaliya, kumanna soo celin karro Madaxweyne Farmaajo Kursiga, kamanna hor istaaggi karro Xasan Sheekh Maxamuud ama mid kaloo beeshaas uu sheegay ee Abgaal ka soo jeedda ama xitaa mid kaloo Hawiyebba ah, hase-yeeshee toddobaadyadda soo socda ayaynu arki doonnaa Faysal Cali Waraabe iyo War kaloo cusub haddii Eebbe innagu simo.


Si kastaba ha ahaatee, haddii Faysal Cali Waraabe uu Kursiga ku soo celin karro Madaxweyne Farmaajo, sow kama horrayso innuu isagu waa Faysale horta uu Kursigaas gaadho, hadduuse cid Madaxweyne ka dhiggi karo muxuu isagu u noqon waayay? Muxuuse saddex jeer oo uu u tartamay jagadda Madaxweynenimo mar uun ugu guulaysan waayay, meel uu isaguba gaadhi waayay innuu yidhaahdo rag hortii gaadhay baan ku celinayaa waad fahmi kartaa in khiyaalkiisa siyaasaddeed aannu meel durugsan gaadhin, waxaanse idin leeyahay warkaas war kale ayaa xigiye aynu dhawro maalmaha iyo toddobaadyadda foodda innagu soo haya haddii Alle innagu simo.


Faallo:-Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...