Waddan Go'aan Ka Gaadhaya In Tallaalka Covid-19 Uu Xalaal Yahay Iyo In Kale

0
Wednesday January 06, 2021 - 17:09:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddan Go'aan Ka Gaadhaya In Tallaalka Covid-19 Uu Xalaal Yahay Iyo In Kale

    "Waxaan rajo buuxda ka qabnaa in go'aan lagu dhawaaqo ka hor inta aysan dowladdu billaabin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan rajo buuxda ka qabnaa in go'aan lagu dhawaaqo ka hor inta aysan dowladdu billaabin"


Golaha Culimada Muslimiinta ee waddanka Indonesia ayaa laga dhowrayaa in ay soo saaraan go'aan ku aaddan in Tallaalka cudurka Covid-19 uu yahay mid xalaal ah oo aan ka hor imaaneynin diinta Islaamka, ka hor inta aan waddankaas laga billaabin barnaamijka baaxadda leh ee shacabka lagu tallaalayo.



Isbuuca soo socda ayey Indonesia qorsheyneysaa in ay isticmaasho tallaal lagu farsameeyay waddanka Shiinaha.


Waddankan oo ah dadka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan guud ahaan caalamka ayaa sheegay in 13-ka bishan January la guda gali doono howsha tallaalkaas oo ay ilaa hadda ka heystaan in ka badan 3 milyan oo xabo oo ay ka heleen shirkadda Sinovac Biotech ee laga leeyahay Shiinaha.


Muranna la xiriira in tallaallada loo soo saaro cudurrada ay waafaqsan yihiin shareecada Islaamka iyo in kale ayaa horay u gilgilay qaar ka mid ah waddamada Muslimiinta, waxaana ka mid ahaa markii 2018-kii ay Golaha Culimada dalka Indonesia soo saareen fatwo ay ku sheegayeen in tallaalka jadeecada uu mamnuuc ku yahay diinta Islaamka.


"Waxaan rajo buuxda ka qabnaa in go'aan lagu dhawaaqo ka hor inta aysan dowladdu billaabin ololaha tallaalka," ayey tidhi Muti Arintawati, oo ah mas'uul ka tirsan Golaha Muslimiinta Indonesia, kuwaasoo u xil saaran indho indheynta iyo qiimeynta tayo ee raashinka iyo


Waxay intaas ku dartay in wali xog uruuris uu wado Goluhu ka hor inta uusan go'aan kama dambeys ah soo saarin.


Indonesia ayaa lagu tilmaamay in ay tahay waddanka uu Covid-19 saameynta ugu ba'an ku yeeshay dhinaca Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya.


Dowladda ayaa hadda ku taameysa in tallaalku uu wax ka taro hoos u dhaca dhaqaale ee soo food saaray tan iyo markii uu cudurku dillaacay.


Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan haddii ay dadweynuhu kasoo hor jeestaan tallaalka, ayaa ku jawaabay in marka hore ay ka war sugayaan go'aanka ay culumadu ka soo saaraan arrintan.


Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, oo isku dayaya in uu xoojiyo oggolaanshaha tallaalka ayaa sheegay in uu noqon doono qofka ugu horreeya ee la tallaalo isbuuca nagu soo fool leh.


Dicky Budiman, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Griffith ee dalka Australia, ayaa sheegay in dowladdu ay ku khasban tahay in ay runta ka sheegto xaqiijinta xalaalnimada tallaalka si ay shacabku u aqbalaan.


Axmed Ishomuddin, oo ka tirsan Golaha Nahdtatul Ulama, ee ay ku mideysan yihiin culumada ugu badan ee muslimiinta Indonesia, ayaa sheegay tallaalka haddii uusan xalaal ahayn loo adeegsan karo oo kaliya xaaladaha degdegga ah, haddii aysan waddo kale furneyn.


Hayadda cunnada iyo dawooyinka ee Indonesia, oo magaceeda loo soo gaabiyo BPOM, ayaa u baahan in ay hesho oggolaansho ay tallaalka ugu adeegsan karto xaaladaha degdegga ah.


Waddanka dariska la ah ee Malaysia, mas'uuliyiinta diinta ayaa ku dhawaaqay in tallaalka Covid-19 uu yahay mid loo oggol yahay Muslimiinta, uuna waajib ku yahay dadka ay dowladdu u aragto in uu lagama maarmaan u yahay.


Malaysia wax shuruud ah kuma xirto in tallaalka uu yahay xalaal iyo in kale, inkastoo mas'uuliyiinta dalkaas ay qorsheynayaan in ay sanadkan soo saaraan shahaado caddeyneysa xalaalnimada tallaalka, si taageero looga helo dadka Muslimiinta ah ee aan la dhacsaneyn.


BBC

Loading...
Loading...