Go'aankii Muuse Biixi ku Laalay Cashuurta Xadka Lowyacado Oo Dhagaha Laga Furaystay

0
Wednesday January 06, 2021 - 11:19:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aankii Muuse Biixi ku Laalay Cashuurta Xadka Lowyacado Oo Dhagaha Laga Furaystay

    Lawyacado: Cabasho ka dhalatay amar Madaxwayne Biixi uu bixiyay oo laga hor yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lawyacado: Cabasho ka dhalatay amar Madaxwayne Biixi uu bixiyay oo laga hor yimid

LAWYACADO (HWN) Cabasho ayaa ka soo yeedhaysa Lawyacado, waxaana ay salka ku haysaa cashuurta madax-taabashada ah ee dhan $31 ee laga qaado muwaadiniinta u talaabaya dhinaca Djibouti oo uu dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi gudaha Lawyacado kaga bishaareeyay in cashuurtaas meesha laga saaray.

 

Qaar ka mid ah dadkii shalay kasoo gudbay xadka Lowyacado ayaa shabakada Hadhwanaagnews la wadaagay cadaymo muujinaya in wali la qaado canshuurtii madaxtaabashada ahayd, waxana ay tilmaameen inay la yaaban yihiin waxa meesha ka saaray hadalkii madaxwaynaha walina ay cashuurtan dhabar-jabka ahi wali qaadideedu u sii socoto.

 

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Badhasaabka gobolka Salal uu yahay masuulka ugu sareeya ee ka horyimid hadalka ka sooyeedhay Madaxwayne Bixi ee meesha ka saaraya cashuurtan, waxana uu Badhasaabku ku doodayaa in dekhliga gobolka ay hoos u dhac ku keenayso canshuurta uu laalay Muuse Biixi, taasna aan la aqbali karin, badalkeedana uu Hargaysa u joogo sidii uu madaxda Somaliland uga dhaadhicin lahaa in meesha laga saaro joojinta canshuurtan ay dadku ugu magac-dareen "dhiigmeerashada”

 

Si kastaba ha ahaatee Madaxda Waaxda Cashuuraha ee Wasaarada Maaliyada ee Somaliland uga shaqeeya Lawyacado ayaa u muuqda kuwo uu la miisaan cuslaaday hadalka Badhasaabku, dhagahana ka furaytay hadaladii uu Madaxwayne Biixi dadka ugu bishaareeyay meeshana uu kaga saaray cashuurtaas 31ka doolar ah, iyada oo ay waliba xusad mudan tahay in goobtii fagaaraha ahayd ee uu Madaxwayne Biixi bishaaradan kaga dhawaaqay ay ahayd goob ay ku sugnaayeen maamulka gobolka Salal ka degmada Saylac iyo madaxda waaxda canshuuraha ee wasaarada Maaliyada u qaabilsan Lawyacado  dhamaantood




 No description available.

 


Hadhwanaagnews


Loading...
Loading...