Askariggii " Xaafad-Tooyadda" Oo Galgala-shaddii Ugu Dambaysay Ku Jira ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday January 06, 2021 - 10:31:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askariggii " Xaafad-Tooyadda" Oo Galgala-shaddii Ugu Dambaysay Ku Jira ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Ina Rag Iga Tag Kaagama Tago, Ee Wuxuu Ku Tagaa La Tusaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Ina Rag Iga Tag Kaagama Tago, Ee Wuxuu Ku Tagaa La Tusaa!

Hore Baa somalidu u tidhi " Tuug waa ishi-qaate", oo kolba halkuu ka arko meel kadan ama ka helo il-daabaano, buu ku dhaqaajiya, ee uu u dhici karo, mana laha " kal xishoodda, ee kal baquu leeyahay" Marka ay taas kuu sii dheer tahay, weliba dhanka maskaxdda oo ay wax ka si yihiina, hadalkee-daba daa, oo qofka cayn-kaas ihi wuu sii qastaa, ilayn wax-ba dhulka kama yaalaane, wuxu xaal-kiisu isugu biyo shubtaa maah-maah-ddii ahayd " Nin qoyani biyo iskama dhawro" Maanta waxan u soo qalin qaatay, in aan idin soo hor dhigo, arimo ka soo baxay Shirkii Jabuuti, ee Askariga wajaqan, waalan, maskax-feredka qabaa uu u tegay-ba meeshaas " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye" ee kala soco halkan hoose, waa arimo dhab ah, hadaad isa indho tuurso iyo haddii kale-ba, waa tan xaqiiq-ddii oo aan biyo is marini, oo uu hantiddii ummadda ku maal-gashashaday, ee ku soo dhawaadda waa tane.



(a) Akhristw $17 Milyan buu ku maal-gashady shirkad is-gaadhsiin ah, oo magaceedu yahay " Jabuuti Telcom" oo laga leeyahay xaafadan ay xididka yihiin ee la yidhaaho "Jabuuti" Waa shirkad uu 75% uu leeyahay qoyska keliggii taliyaha Ina Geelle basalka, ee Jabuuti ka amar-ku-taagleeyaa. Askarigan waxa lagu bedelay " Qaybtii uu ku lahaa " Ahmed Geelle Arab" Shirkad-daas kor ku xusan, waa tuugo-nimo lagu shuraakoobay.


(B) Waxa taagan murtiddii ahayd " haad-ba-haad kici, oo haweeyaa yimiye" Waxa ka sii daran, oo uu askarigan kala wareegsani guri ku kacaya $1.7 Milyan uu isna ka dhisanayaa sila xaafadaas Jabuuti, markii uu aamini waayey Somaliland, ee uu arkay in aanu dib u soo noqon doonin, ee ay ummadda reer Somaliland ogaatay, in aanu qof miyir qaba ahayn, una boobay kursiga xoolo urursi iyo dhul boob.


(c) $70.000 oo kale, buu ku bixiyey in uu ku laaluusho war-baahinta qaar-keed, oo uu yidhaaho ii xil-qariya, been ku sheega waxa ay ummadu iga sheegayso, taas oo loo xil-saaray, guul-wadaha "Baanka" Uu u dhiibtay, waa war-baahino la yaqaano, oo damba-basa tuugani-madda hantidda ummadda lagu hayo, ninka ka mansuulka ahina waa ka isaga oo mudo 11 bilood ah hayey baanka, ka dhistay hudheeladda aad arag-teen, ilayn waxay meeshu noqotay qaataye-qaado, oo yeynaan is sheegin.Markuu arkay in aanay wax-ba u qarsoona, oo rabbi xagga samadda ka kashifay, buu hadeer kala xadayaa war-baahintii ummadda, oo uu qaar maal-gelinayaa, indho adayg wuxu ka qabo awgeed.


(d) Wuxu ka "Mareexaan" ee Somaliya hor-joogaha ka ahi u saxeexay isna " Ceel biyo macaan ah" Oo laga helay " Gobolka Saylac" Askarigu waxa uu ka dul qaaday ceel-kaas $25 milyan oo kale, taas oo uu shuruud ku xidhay " Ina Geelle Basalka Jabuuti" Shuruudaas oo ah in uu maal-gashado askarigu shirkado iyo gancasato reer Jabuuti ah, oo uu keliggii taliyaha Jabuuti gacanta ku hayo, maal-gashiga (qaybta ugu weyn) uu isagu leeyahay iyo qoys-kiisu.

 

Isku soo duuboo, ma is-waydiisay halka uu "Raggii ma adigaa ka hadhay" ka helay hantidda intaas le'eg? Maxaase loogu maal-gashanayaa Jabuuti? Ee muwaadin loo gelin waayey dalka gudi-hiisa? Taas baa ummadda Reer Somaliland shaqo ka heli lahayde. Haddii aan ka jawaabo su'aalaha qaar ka mid ah.


(1) Hantidda jabuuti la geliyey waa tii laga xaday, lagana dhacay masaakiinta dooxa Hargeysa ku bakhtiyeysa.

(2) Waxa jabuuti loogu maal-gelinayaa, wax kale maaha, ee waxay is leeyihiin ka qariya ummaddii lahayd hantidda tuuga-nimo awgeed lagu talax tegay.

(3) kuwa waxaas samaynayaa, dalka wax u qabta iyo dadka, halkii ay ku fekeri lahaayeen, ilayn daacad-nimo ka dheere, xaal-kooddii wuxu noqday " ka dhereg, oo ka fara-qabso, hadana raad gado, oo yaan lagugu tumin beenta, kala qoqobka, kala qaybi oo xukunka, iska hor keen oo isku dir, kolba beel hoosta la soo gashado, mid-na dhabarka loo jeediyo, buu ku biyo cabay askari-guye, way-se soo dhamaatay khiyaaliggii, oo imika bari, galbeed, hawd iyo waqooyi-ba, si wacan bay ummadu uga dheregsan yihiin sidda wax u socdaan iyo halkuu xaal maraayo, waxa lagu walaaqdo Guriggii Moorgn " Xaafad-tooyadda. Hana u fadhiyina in mar dambe " la doorto" Tii hore siday u dhacday-na waa tii uu qarxiyey Maxamuud Xaashi, kolkii lagu meel gaadhay-na waa kii sidda guuf timiri ka dhamaatay debedda u tuuray. Rag badan oo imika lagu guuraa, oo loo adeeg-sado beelaha-na dhawaan way ku soo socota, Sidda Ina Sulub, Kooraha War-baahinta, Af-dulaaqa Darayo, Sacad Cali shire, ka arimaha debedda iyo qaar kaloo badan baa ku daba jira, oo mari doona halkii ay mareen " Jamac shabeel, Cali Gurey, Qabyo-Tire, Cadaani, Ina Xaashi. Waa dhawaan goorta siddii caano daatay la qubi doonaa, ee waxay sii qaadi karaan ha sii xadeen.


* N.B Ina Rag Iga Tag Kaagama Tago, Ee Wuxuu Ku Tagaa La Tusaa!

Qore"- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...