Masuul Shaaciyey Fashilaadaha Dul Hoganaya Xukuumada Muuse Biixi Ee Ay Guuldaraysatay Wax Ka Qabashadooda

0
Wednesday January 06, 2021 - 10:21:43 in News by
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Shaaciyey Fashilaadaha Dul Hoganaya Xukuumada Muuse Biixi Ee Ay Guuldaraysatay Wax Ka Qabashadooda

    Masuul Shaaciyey Fashilaadaha Dul Hoganaya Xukuumada Muuse Biixi Ee Ay Guuldaraysatay Wax Ka Qabashadooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Shaaciyey Fashilaadaha Dul Hoganaya Xukuumada Muuse Biixi Ee Ay Guuldaraysatay Wax Ka Qabashadooda


Hargeysa(HWN):-badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa,uud ayaa ka hadlay heerka ay marayso somaliland iyo sida ay hoos ugu sii socoto noloshii shacabku.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Ex badhasaab Daa,uud ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga dayriyey xaaladaha somaliland ka taagan, qoraalkaas ayaana u dhignaa sidan:-


Somaliland ayaa maanta Maraykankii bara-dheeraysiisay. Oo dhaqaalihii umada iyo lacagtii Qaranka, gacanta u gelisay koox yar. Dalku ma laha Bangiyadii ummadda ka dhexeeyay, ee lacagtu ku hoyan jirtay, ee wax soo saarka kobcinayay. "Uunsigii" Qaranku dalal kale ayuu ka baxayaa, oo ku shaqeeya. Ribadu cirka ayay isku shareertay. Sicir bararkuna xakamayn ma leh. Wax kasta gaar baa cidi u leedahay, oo wax ummada ka dhexeeyaa ma jiro. Isgaadhsiin iyo Bangiyo midna. Dawladdu waxa keliya ee ay isbaaro u dhigataa waa cashuurta Kastanada; Si sicir bararku ugu dhaco nolasha muwaadinka. Ganacsata waaweyn cashuur ma bixiyaan ee dawladda ayay hafraan, iyaga oo sannad walba macaasha Malaayiin.


Somaliland oo ah dal yar oo faqiira, ayaa ka horreeya Maraykanka xagga Hanti-goosiga. Tacliin iyo caafimaad, biyo iyo tamar midna lama wadaago. Waxayna ku siqaysaa in dadkeedu u qaybsamaan in yar oo tadhahday iyo badankeeda oo bakhtigu xalaal u noqdo ... In yaroo wax haysata iyo inta badan oo dhulka lagu xaadho doono ... la adoonsan doono ... Waa haddaynu sii jirnaba!


Xisbiyadeenu waa agnaan oo ma laha hal-abuur. Qabyaaladda oo keliya ayay inoo kar-kariyaan. Weligood kuma ay fikirin inay ku kala baxaan midig iyo bidix ...Mid fog ama mid dhexe.


Loading...
Loading...