Halista Kasoo Fool Leh Xarunta Qashinka Qoyan Ee Hargeysa.

0
Wednesday January 06, 2021 - 09:12:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halista Kasoo Fool Leh Xarunta Qashinka Qoyan Ee Hargeysa.

    Qaabka Loo Safeeyo Qashinka Qoyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabka Loo Safeeyo Qashinka Qoyan

Waxaa lamariyaa shan derejo oo safayn ah oo kala ah sidan soo socota wixii intaa kasoo hadha waxy halis kutahay deegaanka ku xeeran cafimaadkooda,waa in meesha lagu safaynayaa ugu yaraan 10 km kabaxsanaataa magaalada.

 

Sidaa markaan idin leeyahay waxaan aqoonteeda leeyahay oon wax badan kaqayb qaatay dhismaha dhismayaashan qalabka lagu safeeyo Qashinka qoyan.

 

1:.Rechengebäude ( meesha lagu reebo waxyaalaha adag )dhagxaanta,looxyada biraha iyo wixii culus ee tuubooyinka xidhaya.

 

2:berkeda labaad waxaa lagu reebaa ciida iyo quruuruxa yaryar oo loo adeesado dhismayaasha jidadka

 

3:Berkeda sadexaad waxay reebtaa wasakhda iyo adkaha heehaaba ee kasoo gudbay berkedihii hore oo mudo saacado ah lagu hayaa si walxahaasi gunta ufadhiistaan oo markaa qalab loogu tala galay hoosta uga xaadho.

 

4:berkeda afraad waxa soo gaadha biyihii oo rubuc ahaan lasifeeyey,berkedaas oo lagu beeray bilyanis bakteeriya ah oo quudkoodu yahay wasakhada iyo saxarada,berkedaas iyada ah waxaa hoosta lagaga furaa oksajiin iyo hawooyin kale oo isku dhafan berkeda dhexdeedana waxaa kujira mashiin biyaha wasakhaysan walaaqaya oo marka hawadaas iyo walaaqaasi isla falgalaan carinaya fifircoonida Bakteeriyada,oo markaa bilaabaysa inay Bakteeriyadu taranto waxa loo yaqaan (Belebungsbecken).

 

5:berkeda shanaad waxaa layidhaa sii nadiifin gaar ah halkaa waxaa lagu reebaa dhoobadii kasoo hadhay iyo bakteeriyadii kunoolayd labadoodaba,wixii berkadaa gunteeda kusoo hadha ee huubo ah waxaa dib loogu celiyaa berkadii afraad ee aynu kasoo gudubney si marlabaad proces cusub loo soo mariyo.wixii ugudbay berkada shanaad.

5:waxaa loo talaabiyaa haamo waaweyn oo sida beedka usamaysan oo  loo yaqaan (V-Behälter)Taanigiga qudhunka,taangiyadaas oo mishiino walaaqayaan heerkulkoodana lagaadhsiiyo 35 degree mudo 25 maalmood ah,halkaa waxaa iyana kahawlgala bakteeriya kale oo wixii wasakh biyahaa kusii hadhay kunooloo cunta,kuwaasoo maalinba maalinta kadambaysa marka heerkulku siyaadoba ay ka kacaan uumiyo Neefo ah oo xaga sare ee Taangiga laga nuugo,Taangiyadu waa kuwo gebi ahaanba xidhan oo aan meelna kaneefsanayn,marka laga reebo tuumbooyinka xaga sare kaga rakibanee Hawooyinka lagu nuugayo Naqasyadaas boqolkiiba 70 waa hawada loo yaqaan Metan,inta soo hadhayna waa Carbondioxide iyo Nitrogin kuwaasoo hadhow  Dhuuma kale Hawada Metan-ka gaar usaraan,loona adeegsado Shidaal ahaan lagu kululeeyo Biyo uumigoodo wareejiyo Marawaxado waaweyn oo Electric laga dhaliyo,dibna loogu celiyo Dabkaa laga dhaliyey isticmaalka dhamaan Mishiinada lagu shaqaynayo ee Wershada iyo dabcan Laydhadhka xaruntaba ,taasoo in badan oo dabkii xaruntu ubaahnayd daboosha.Biyaha kuhadhay taangiyadaas waxaa lagusii daayaa berkada u dambaysa oo ay kujiraan kaluuno aad ugu nugul xanuunka halkaasoo mudo maalmo ah ay kujiraan baaqiga  Huubada ah ee ku hadha Taangiyada salkoodana waxaa loo isticmaalaa iyadoo lagu darayo chimicals iyo Carao-san kale nafaqaynta Beeraha,halkaa markay marayso Biyaha ku hadhay Taangiyadu malaha wax ur ah oo waxay raaceen Neefihii hore Tuumbooyinku kor unuugeen,waxaa markaa soo hadhaya Biyo khali ah,marka lahubsado in biyahaasi nadiif yihiin ayaa lagusii daayaa webiyada ama dooxyada.

 

Bishuruudan Xarumahan lagu kala saaro Qashinka qoyan waxaa ka mamnuuc ah dhamaan hadhaaga Dawooyinka,Cimicals-ka noocay doonaanba hanoqdaane,iyo Saliidaha kuwooda culus iyo kuwooda fududba,kuwaasoo keena in ay adkaato kala safaynta Qashinku,maadaama ay cadaw kuyihiin Bakteeriyda cunta qashinkaas iyo tarankoodaba,adkaysana in  sifayntu aanay u dhicin sidii larabey,hadaanay dilinba Bakteeriyda muhiimka u ah safaynta.

 

Hawshu sidaas ayay u dhacdaa intaasoo derejo hadii aanay soo marina cida kutidhaahda waxbaa lasafeeyey beenbuu kuu sheegay waxyna halis ku tahay Noolaha,Dhirta iyo Deegaankaba

 

Fiiro Gaar ah: Biyahan looma isticmaalo haba yaraatee cabitaan ahaan laakiin beero waa lagu waraabin karaa.Waxaan halkan uga socdaa marka la leeyahay Mashruuca Biya balaadhinta Hargeysa mawaxay rabaan inta lakala yara miiro in dadka looga dhigo Biyo lacabi karo.taasi waa halis iyo badheedh cad oo larabo in dadka lagu rido xanuuno aan dawo lahayn.

 

Waxaan kadigayaa in inaan Xaruntaas uu Maayirku sheegay in laga dhisayo bariga Hargeysa marnaba la aqbalin,hadii aan lasoo marin sifaynta derejooyinkaas kor kuxusan.

 

 

Hersi osman

Master degree of Water-ingineering Mineral Resources and natural Gases.

Alla mahad leh

Frankfurt am main


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...