Maxaa Xiligan Ku Soo Beegay Xayiraadda Uu Sacuudigu Ka Qaaday Qadar?

0
Wednesday January 06, 2021 - 08:28:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Xiligan Ku Soo Beegay Xayiraadda Uu Sacuudigu Ka Qaaday Qadar?

    "Kani waa heshiiskii ugu weynaa ee aan ilaa iyo hadda gaarnay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kani waa heshiiskii ugu weynaa ee aan ilaa iyo hadda gaarnay,"

Kuwait ayaa sheegtay in Sacuudiga uu xudduudihiisa dhulka iyo badda u furayo Qadar, taas oo soo afjareysa xiisaddii muddada dheer ka dhex aloosneyd Qadar iyo dalalka Khaliijka ee deriska la ah.




Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo maanta dalka Sacuudiga uu ka dhacayo shirka Iskaashiga Golaha Khaliijka.


Sarkaal sare oo Mareykanka ka socda ayaa sheegay in la kala saxiixan doono heshiis lagu soo afjarayo xiisadda.


Dalalka deriska la ah Qadar ayaa ku soo rogay xayiraad saddex sano iyo bar kahor, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada.


Dalalka Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa la saftay Sacuudiga, iyagoo xayiraad diblomaasiyeed, mid ganacsi iyo mid safarba ku soo rogay Qadar.


Qadar, oo ah dal yar balse aad qani u ah kuna yaalla Gacanka Khaliijka, ayaa beeniyay inuu taageero kooxaha jihaad doonka ah.


Soomaaliya oo soo dhoweysay

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay shirka Sacuudiga ka dhacaya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait.


Waxaa bayaanka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bogaadineyso dadaalka Kuwait ee uu soo bilaabay amiirkii dalkaas ee geeriyooday, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir.


Markii uu soo ifbaxay khilaafkii khaliijka waxa markiiba uu saamayn ku yeeshay dalalka Muslimiinta iyo kuwa Carabta.


Waxaa bilaabmay in Qadar iyo dalalka kale ee go'doomiyay ay taageero raadsadaan.


Go'aanka waxaa dhexdhexaadka ka noqotay dowladda Kuwait oo labada dhinac u kala dabqaadaysay, balse waxaa jiray dowlado badan oo Islaam iyo Carab isugu jira oo la saftay Sucuudiga, xiriirkana u jaray ama hoos u dhigay Qadar.


Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaasi la filayay in dhinac uun ay raaci doonto.


Balse taasi ma dhicin, golaha wasiirrada oo shir yeeshay 6-dii June, 2017-kii, ayaa go'aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo, inkastoo aysan arrintaas ku waafaqin qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.


Falanqeyn weriyaha BBC-da

Qaadidda xayiraadda Qadar ayaa qaadatay bilooyin dulqaad ah, iyadoo ay inta badan dhexdhexaadinta ay wadday Kuwait, balse dhowaan wuxuu cadaadis xooggan ka imaanayay Aqalka Cad iyadoo madaxtinnimada Trump ay sii dhammaaneyso.


Go'doomintii muddada saddexda sano iyo barka ahayd ayaa galaafatay dhaqaalaha Qadar iyo sidoo kale midnimadii Gacanka. Dadka Qadar ma cafin doonaan degdegna kuma illaabi doonaan waxa ay u arkaan dhabar ka toogasho ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka ee deriska la ah.


Balse Imaaraatka Carabta ayaa shaki weyn ka muujinaya in Qadar ay isbeddel sameyn doonto. Iyadoo ay Qadar beenineyso inay taageerto argagixisada waxay haddana gacan siisaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Gaza, Libya iyo meelo kale, sida ururka Akhwaanul Muslimiin oo uu Imaaraatku u arko inuu khatar ku yahay boqortooyadiisa.


Dhanka kale, go'doominta waxay Qadar u dhoweysay cadowga Sacuudiga: Turkiga iyo Iiraan.


Sidee heerkan lagu soo gaaray?

Wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, Ahmad Nasser al-Sabah ayaa arrintan kaga dhawaaqay telefishinka.

Dadaallada dhexdhexaadinta ee ay Kuwait hoggaamineysay ayaa dhowaan miro uun dhalay, balse bilihii la soo dhaafay waxaa jiray calaamado muujinaya heshiis weji dhowrasho ah oo lagu soo afjarayo khilaaf ay ku ceeboobeen dhammaan kuwii ku lugta lahaa, sida uu ku soo warramayo Tifaftiraha BBC-da ee arrimaha Carabta Sebastian Usher.


Maamulka Mareykanka ayaa door xoogaa muuqda ka qaatay arrintaas, iyadoo sarkaal sare oo Mareykanka ka socda, waa wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Donald Trump ahna la taliyihiisa sare, Jared Kushner, uu ka qeyb geli doono saxiixa heshiiska oo maanta dhacaya.


Amiirka Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa oggolaaday casuumaad uga timid Boqor Salmaan-ka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka.


Warar laga soo xigtay dadka qabanqaabinaya shirka ayaa sheegaya in go'aanka uu Sacuudigu xudduudihiisa dhulka iyo cirka ugu furayo Qadar ay tahay tallaabo kalsooni dhisid ah oo lagu doonayay in Amiirka Qadar uu shirka ka soo qeyb galo, sida uu ku warramayso weriyaha BBC Lyse Doucet.


Sanadkii 2017, markii go'doominta la geliyay Qadar, amiirka ayaa sheegay inuusan u safri doonin dal laga xannibay muwaadiniinta Qadar inay tagaan.


"Kani waa heshiiskii ugu weynaa ee aan ilaa iyo hadda gaarnay," ayuu yiri sarkaal sare oo maamulka Trump ka tirsan.


"Taasi micnaheedu maaha inay is jeclaan doonaan oo ay noqon doonaan saaxiibbo dhab ah, balse waxay la micno tahay inay wada shaqeyn yeelan doonaan."

 

BBC

 

Loading...
Loading...