Basbaas Jilaagii Bashaashka ahaa!...W/Q Jamaal Ibraahin Dasuuqi

0
Tuesday January 05, 2021 - 18:46:11 in Articles by
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Basbaas Jilaagii Bashaashka ahaa!...W/Q Jamaal Ibraahin Dasuuqi

    Basbaas Jilaagii Bashaashka ahaa!...W/Q Jamaal Ibraahin Dasuuqi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Basbaas Jilaagii Bashaashka ahaa!...W/Q Jamaal Ibraahin Dasuuqi
Image may contain: 1 person



"Intii Hore aakhiraynu jirnee
Iftiinka hadaynu aragnee
Ilaaheey mahadiisa weeye"

Taladdaba kumaan darin dugsiga aad subaxii ku kalahdo, Jawharad Faneed iyo Jilaa bashaash ah ayaa la jaara. Maqalida magaciisa iguma yara, balse aragiisu waa ii dhinaa. Gelin dambe goor ay casar dabadii tahay ayaa aan u dhaqaaqay xagga gurigiisa. Galabkaasi waan Xasuustaa waxa uu ku labisnaa shaadh buluug ah iyo macawiis Abu sarande ah. Kaabadda gurigiisa ayuu fadhiyey. Laba nin oo aanu isku fasal ahayn ayaa ila socday, Mar waan muunsooday oo waxa aan aad ugu bogay, inaan arkay mid ka mid ah boqoraddii Masraxa Soomaalida. Mar kale dayac ka muuqday ayaa idareensiiyey, inaanu tol faneed oo garab jooggaa aanu jirin. Sheeko badnaan iyo Farxad ayaa wajigiisa la widhwidhayay. wallow uu xilligaas xasuus ahaan aanu wacnayn, haddana cajiib ayuu ahaa taagtiisa! inaad ka caajisina waa uu jeclaa. Gabadh uu dhalay oo haysay ayaa kulankaasi nagu wehelinaysay. Qisooyinka aan xasuusto waxa kamid ah, tii Nikaaxa ee Macalin Casayr, Haraatidii uu Huryo tiyaatarka kaga tuuray, Kamankii ay xaddeen, Riwaayaddii imaam laba-raad iyo Ina-Cigaal wixii dhex maray. Intaan la fadhinay Magac weyn iyo arag weyd ah ayaa iimuuqday. Caqaar yar oo Jaad ah buu maalmaha qaar burburin jirey, dharaarta uu cuno aadbaan ujeclaa oo aadbuu noogu sheekayn jirey, annaga oo waxba weydiin. Xiiso weyn ayey aragtidiisu ii ahayd, nasiib daro waxba kamaan se qorin.

Hal sawir ayaa aan ka qaadnay, sawirkaasina nooma suuragalin inaanu ilaalino. Waxa uu noqday Raacii iyo lodkii ugu horeeyay ee bilaabay Fanka Soomaalida. Fanka oo aan qalab, dawlad, Tiyaatar iyo Dumar toona lahayn ayaa uu bilaabay. Ismaaciil Cabdi Ibraahim Guure(Xaaji-Basbaas)
Sida uu sheeggay 1942-Kii ayaa uu ku dhashay Ood-Weyne, wallow dad kale ay weriyaan inuu dhashay dhawr iyo Soddonkii. Kuugbuu(cunto kariye) ayaa uu ka noqday Berbera. Waa halka uu ka raacay magaca BASBAAS, ee. keddib Cadan ayaa uu tagay oo laga mastaafuriyey, markii uu Gabay utiriyey qolyo ay tol ahaayeen. Saddex hiboodlahan isku darsada Mu'alif'nimada, Jilaamimada iyo Alxaan sameeyanimada wuxuu ahaa mir arrimahan ku xeeldheer.

" Maansada anoo Toban jiraan Taabud ku ahaaye,
Aan tusmeeyo caawoo kalaan tixo ka sheeggaaye,
Haddii aniga lay Toocsadoo, lay tixgelin waayo,
Toorey nin xidhan oo Libaax dhagax ku tuuryeey,
Oo taladii diidayoo waliba is yidhi soo taabo,
Tabtii lagu yiqiin aakhiruu kaasi tagayaaye".

1957-nadii ayaa uu kasoo noqday xilligaasi oo ku biiray [Kooxdii Walaalaha Hargeysa]. Waxa uu yeedhay Gu'roon jire iyo Cali Faynuus,judhiiba riwaayadiisii ugu horeysay ee "ISU-TUUR ANA HAATAN LAY TALI" ayaa uu Sameeyay oo uu kadinka Fanka kusoo galay. Saddex riwaayadood markii uu dhigay ,ayaa uu Cabdi-laahi Qarshe ku yidhi "Jooji Actors-ka ayaa aad ku wanaagsan tahee". Sidaas ayaanu badweynta jilaanimada ku muquurtay. Maxamed Aadan Dacar oo ka mid ahaa, dadkii fanka in ay soo galaan uu horseedka ka ahaa Basbaas ayaa aaskiisii ka dul yidhi sidan:-
"Anagu Dacawooyin baanu ahayn, Isagu na Libaax buu ahaa".

Qofkii saddexaad ee riwaayad sameeyay soomaali ba ayaa uu ahaa. Kolka laga tago Cali Sugule iyo Xuseen Aw-Faarax oo tii koobaad iyo Labaad Hal-abuuray. Dhanka kale, Lixdii Majaajileyste ee ugu horeeyay Soomalida ayaa uu kamid noqday. Abwaan/Majaajileyste Ismaaciil Cabdi Ibraahim Guure Basbaas.

Dadka la falgala hadba door ay Riwaayadda ku leeyihiin, ayaa uu kow ka ahaa. inta badan Odayga reerka ayaa uu ku meteli jirey. Xasuuso Masrixiyaddihii uu kasoo muuqday ee kala ahaa:-

1. Dab jacayl Kari' waa
2. Jin iyo Jacayl
3. Isu-tuur ana haatan lay tali
4. Wad iyo Wacad
5. Galbeed waa la Xoreeyay
6. Bidaari sibiqbay kugu gashaa
7. Beeneey waa Run
8. Dan iyo Carago
9. Masiibadu aduunyada iyadaa umacalina
10. Bad Jacayl
11. Aw-Bustaale
12. Calafkaa kuma Seego
13. Booraan Hadimo.
Barnaamijkii riwaayada Raadhiyaha ee [dalmar] oo uu daadihin Jirey Maxamed.

Cumar Huryo, ayaa uu aad uga dhex muuqan jirey. 1970-kii Waxa la mideeyay Walaalihii Hargeysa iyo kooxdii ciidamada, waxaana loo bixiyey WAABERI. kooxdaasna waa uu kamid noqday, maadaama oo uu Fanka kasoo bilaabay "WALAALAHA HARGEYSA"

Haddii Cabdi-laahi Qarshe lagu xasuusto Miyuusiga BBC-du kusoo gasho, Xaaji-Basbaasna waxa lagu majeeran doonaa Miyuusiga [Astaan] lagu furo, iyo warka idaacaddaha Raadiyoow Hargeysa iyo Muqdisho. Nasiib darro Raadhiyoow Hargeysa waa laga mabnuucay, sababo siyaasadeed dartood. Isku talowgii Fanka ee Koonfur iyo Waqooyi ayaa uu xadhig iyo handadaadba umutay, Xaaji-Basbaas AHN.

Doorka matalaadda dumarka Maxamed Cumar Huryo ayaa uu ugu jeclaa. Wallow ay jiraan rag badan oo matali jirey booskaa dumarnimada, oo ay kamid ahaayeen:- Maxamed Soofe Kaneeco, Cumar Dhuule, Asbaro, Jigjigaawi, Daahir Caajil iyo Maxamed Yuusuf. Basbaas Mar wax laga weydiiyey shaqsiyaddii Maxamed Cumar, Huryo oo jaal dhaw ay ahaayeen inta badan riwaayaddaha wada geli jireen, waxa uu yidhi " Waxa uu ku meteli jirey Carab, Habar,
Xabashi iyo oday, jookarbuu ahaa Huryo[Xariif] "
.....
Saddex Jiil-Faneed ayaa uu soo gaadhay, kalkiisii iyo bilowgu Fanka/Cahdigii Qaraamku awoodda badnaa, Kii Dhexe [Xilligii kacaanka ee Fankuu doobayayey], iyo Fankii burburkii dawlada dabadii sii jirey.

Hal-abuurka gadiisa ah waxa uu kaga gadisnaa, in uu ahaa laba Nololeed le, Miyiga Geel iyo adhi ku dhaqda, magaaladana deganaa, oo Khaatumo ayaa uu iska deganaa.

"Miyigu waa ina dhaamaaye
Reer magaal waxbaa udhiman".
Looma badalin shaqadiisa Muqdisho intii uu noolaa, hal mar oo ay riwaayad qaadeen mooyee. "Muqdisho waligay ma tagin,saddex jeer ayaa lay badalay oo waxa aan idhi, Geel iyo Adhi ayaa ii jooga ee halkaas maxaan ka doonayaa".

Laba hablood iyo Wiil ayaa uu dunida kaga tagay. Hargeysa ayaa uu Ku Geeriyooday 4|Marso|2018-kii, Xabaalaha masalaha Hargeysa ayaana 5-Maarso lagu aasay.

Qodbaa dhacay, bog kale ayaa xidhmay. Warka dhiilada leh iyo wuu dhintey ayaa is qabsaday.
Tixraaca---Barnaamijyo laga qabtay intii uu noolaa.
W/Q jamaal Ibraahim

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...