Guddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Guddahood Markii 2-aad Safar ku Tegay Djibouti Iyo Dareennada ku Xeeran

0
Tuesday January 05, 2021 - 16:40:15 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Guddahood Markii 2-aad Safar ku Tegay Djibouti Iyo Dareennada ku Xeeran

    Guddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Guddahood Markii 2-aad Safar ku Tegay Djibouti Iyo Dareennada ku Xeeran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Guddahood Markii 2-aad Safar ku Tegay Djibouti Iyo Dareennada ku Xeeran

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa toddobaadyo guddahood, markii labaad safar ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu ka soo noqday dabayaaqadii bishii dhammaatay.


Guddoomiye Cirro oo aan ka hadal ujeeddada safarradan isku xig xiga muddada yarna u dhaxayso ee uu ku tegay Jabuuti, ayaa waxa ku soo dhaweeyey dalkaasi, isla markaana qado sharaf u sameeyey Safirika Somaliland u Fadhiya Jabuuti, Amb Cabdifatax Siciid Axmed.


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xisbiga WADDANI oo la xidhiidha socdaalka Guddoomiyahooda ee Dalka Jabuuti, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyey warar u dhuun daloola safarka Guddoomiye Cirro, ayaa tibaaxay inuu salka ku hayo arrimo shakhsi ah oo ku saabsan Baasaboorka dalkaas oo uu soo cusuboonysiisanyo.

Warku waxa uu intaasi in safarka Guddoomiyaha oo qaadanaya muddo saddex cisho ah uu la kulmi doono madaxda waddanka Jabuuti oo uu u horreeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga lagu wado in msuuliyiintan isla soo qaadaan xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba xaaladda ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale la filayaa in ay Madaxda Jabuuti la wadaagto qorshe la weriyey in ay kala hadleen Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in ay Deegannada Somaliland ee Saylac laga siiyo Ceel ay biyo ka qotaan.

Socdaalkan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu dhawaan dalkaasi ka soo laabtay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo shan maalmood ah halkaasi ku sugnaa.
Loading...
Loading...