Wargeyska New York Times Oo Warbixin Ka Qoray Xaaladda Xanuunka COVID 19 Ee Somaliland

0
Tuesday January 05, 2021 - 16:26:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wargeyska New York Times Oo Warbixin Ka Qoray Xaaladda Xanuunka COVID 19 Ee Somaliland

    Wargeyska New York Times Oo Warbixin Ka Qoray Xaaladda Xanuunka COVID 19 Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska New York Times Oo Warbixin Ka Qoray Xaaladda Xanuunka COVID 19 Ee Somaliland

Hargeisa(HWN):-Wargeyska New York Times oo sheegay in xannuunka Covid-19 uu Somaliland dadka ugu laynaayo si Aamusnaan ah.

Wargeysku wuxu sheegay in dadka Xannuunka laga hellaa aanay tagin Cusbitaallada, haseyeeshee ay marka danbe Guryahoodda ku Dhintaan.


Xaaladda Somaliland ee Xannuunka Coronavirus ayaa laga dayriyay,iyadoo aanay jirin Warbixino la xidhiidha xaaladda Xannuunka ee xilligan Somaliland iyo heerka uu maraayo.
Uganda Confirms 1 new Covid-19 Case - Ministry of Health | Government of Uganda

Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa warbixin la xidhiidha arrinta xannuunka Covid-19 ka qoray Somaliland,waxaannu daabacay warbixin uu kaga hadlayo Cusbitaalka kaliya ee Hargaysa lagu dabiibo dadka uu asiibo Xannuunka Covid-19.

"Qiyaas ahaan Boqolkiiba Sideetan Bukaannada laga helo Covid-19 ee Cusbitaalka guud ee Hargeysi u soo gudbiyo Daryeel Hospital nooma yimaadaan,guryahooda ayay ku dhintaan" Sidaa waxaa wargeyska New York Times u sheegay Dr.Yusuf Maxamed Axmed oo ka hawl-gala Daryeel Hospital.

Waxa uu intaasi raaciyay in Xannuunka Coronavirus dadka aamusnaan ku laayay, iyadoo ay Guryahoodda ku Dhimanayaan sida uu sheegay.
"Hadda Virus-ku dadka aamusnaan buu ku laynayaa”ayuu sheegay Dr. Yuusuf Maxamed Axmed oo la hadlaayay Wargeyska.

Randa Xasan Maxamed oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka shaqaysa Cusbitaalka Daryeel Hospital ee magaalada Hargeisa ayaa Bukaan qabay Xannuunka Covid-19 dibedda uga saartay Cusbitaalka, iyadoo ka saartay Qolkii uu jiifay,si uu u helo Hawada dabiiciga ah iyo cadceeda, taasoo qayb ka ah dedaallada lagu samato-bixinayo dadka Xannuunkaasi ku haleelo gudaha Somaliland.

Wargeysku waxa kale oo uu hadal qaaday tacsida badan ee bogagga Baraha bulshada daadsan,taasi oo uu tilmaan uga dhigaayo tiro badnida geerida.
"COVID19 waxa uu la soo laabtay aar-gudasho” ayuu sheegay wargeyska oo soo xiganaya dad uu waraystay.

Dr.Xuseen Cabdillaahi Cali ayaa Wargeyska u sheegay in dhibaatooyinka u waawayn ee Somaliland ka jira ay ka mid tahay in dadka Cusbitaalka la geeyo marka ugu danbeysa ee Bukaanku uu ku jiro xaalada hakis ah oo aan waxba laga qaban karin.

Loading...
Loading...