Dhul Gariirkii Ugu Weynaa Oo Xalay Ku Dhuftay Magaalada Boorama
Dhul Gariirkii Ugu Weynaa Oo Xalay Ku Dhuftay Magaalada Boorama
Abaaro 01:17 AM, ayaa markaliya waxa magaalada Borama laga maqlay Dhul-gariir xoogan oo gabi ahaanba gil-gilay magaalada, kaasi oo hurdada ka salaliyay badiba dadkii wakhtigaasi hurdayay, oo qaarkood guryaha dibada uga yaaceen. Dhul-gariirkani caawa ku dhuftay Magaalada Borama ayaa aad uga xooganaa Dhul-gariiradii hore ee Magaalada ka dhici jiray.
Waxana xusid mudan in Dhul-gariirkani caawa Borama gil-gilay laga dareemay Degmada Gabiley oo 63.4 Km u jirta M.Borama iyo deegaanka Aw-Barre ee DDS oo isaguna 20.7 Km u jira Borama. Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugnaa deegaanadaasi.
ilaa hada lama oga inuu jiro khasaare ka dhashay Dhul-Gariirka maadama uu dhacay wakhti danbe oo habeenimo ah.
![]() |
Loading...
Loading...