Bilyaneerka Iska Leh Shirkada Ganacsiga Ee Alibaba Oo La Layahay Meel Uu Jaan Iyo Cirib Dhigay

0
Tuesday January 05, 2021 - 08:30:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilyaneerka Iska Leh Shirkada Ganacsiga Ee Alibaba Oo La Layahay Meel Uu Jaan Iyo Cirib Dhigay

    "Waxaa la hakiyay 48 saacadood ka hor inta aan si rasmi ah looga furin suuqa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa la hakiyay 48 saacadood ka hor inta aan si rasmi ah looga furin suuqa"

Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka iyo bogagga warbaahinta qabsaday hadal-heyn ku saabsan meesha uu jaan iyo cirib dhigay bilyaneerka u dhashay waddanka Shiinaha ee lagu magacaabo Jack Ma, kaasoo la sheegay in la la'yahay muddo.




Wargeyska Business Insider ayaa soo tabiyay in ganacsadahan caanka ah aan fagaareyaasha lagu arkin muddo ka badan labo bilood.


Bilyaneerkan, oo ah milkiilaha iyo aasaasaha shirkadda ganacsiga ee Alibaba, ayaa la filayay in uu kasoo muuqdo duubista xalaqadii ugu dambeysay ee barnaamij isaga u gaar ah oo uu ka sameynayo halyeeyada ganacsiga qaaradda Afrika. Barnaamijkaas ayaa lagu waday in uu uga qeyb galo garsoore ahaan, balse waxaa baddalkiisa markii dambe galay mas'uul kale oo ka tirsan shirkadda Alibaba, sida laga soo xigtay wargeyska Telegraph ee kasoo baxa UK.


Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ganacsadaha maalqabeenka ah uusan kasoo qeyb gali karin barnaamijkaas maadaama uu ku mashquulay arrimo kale oo u qorsheysnaa. Warkaasna waxaa tabiyay wargeyska kale ee lagu magacaabo Financial Times, kaasoo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha.


Wararka ku saabsan in la la'yahay Jack Ma ayaa soo baxay kaddib markii ay waaxda kalsoonida ganacsiyada ee dowladda Shiinaha baadhitaan ku billowday shirkadaha Alibaba iyo shirkadda ay bah-wadaagta yihiin Ant Group.


Baadhitaanka ayaa yimid kaddib markii ay dowladda Beijing si khasab ah ku hakisay mashquuc ku kacaya $37 bilyan oo doolar oo ay shirkadda Ant Group daah furi rabtay, kaasoo la filayay in uu noqdo mid ka mid ah mashruucyadii ugu waaweynaa ee abid laga fuliyo adduunka.


Mashruucan oo magaciisa loo soo gaabiyo IPO ayaa ujeeddadiisu ahayd in saamiyada ganacsiga looga iibiyo maalgashadayaasha meel kasta oo ay joogaan.


Waxaa la hakiyay 48 saacadood ka hor inta aan si rasmi ah looga furin suuqa saamiyada ee magaalooyinka Shanghai iyo Hong Kong.


Shirkadda Ant Group ayaa sidoo kale waxaa horay ugu socdo baadhitaan aad u culus oo lagu billaabay kaddib markii khudbad uu jeediyay Jack Ma uu ku dhaliilay hannaanka wax loo sharciyeeyo ee dalkaas, isagoo bandhiyadana ku tilmaamay "dillaaliin faa'iido kaliya raadiya".


Bogga Bloomberg ee ka faallooda sheekooyinka la xiriira maalqabeennada adduunka ayaa shaaciyay in Jack Ma uu saddex bilood gudahood ku khasaaray qiyaastii $11 bilyan oo doolar.

 

BBC

 

Loading...
Loading...