Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Lagu Dilay Degmada Gar Adag

0
Monday April 29, 2019 - 23:00:53 in News by
  • Visits: 10773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Lagu Dilay Degmada Gar Adag

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Lagu Dilay Degmada Gar Adag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Lagu Dilay Degmada Gar Adag


Hargeysa(HWN):-Degmada Gar Adag ee gobolka Sanaag ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada somaliland.


Wararka ayaa sheegaya in la dilay taliyihii ciidamada asluubta ee ee Gar adag iyo taliye ku xigeenkii ciidamada booliska ee degmadaasi, kuwaas oo geeriyooday ka dib markii ay dablay hubaysani weerar ku qaadeen.



Suldaan Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Muxumed oo ka mid ah ehelada labada marxuun ee la dilay ayaa xaqiijiyey dilka loo gaystay saraakiishan ka tirsan ciidamada somaliland waxaanu yidhi "labadaa sarkaal ee la diley labada isku qoys ayaan nahay midi wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada asluubta ee Gar-Adag midna wuxuu ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Somaliland ayuu ahaa ,annigu hadda Hargeysa ayaan ku suganay oo aan joogaa, laakiin markii aan la xidhiidhay maaddaama aan qoyskoodii ahaa , ayaa waxaan ogaaday dilka iyo qaabka iyo sida uu u dhacay, Saraakiishu waxay ku soo socdeen magaalada Hargeysa dabadeed-na dablay hubaysan ayaa dhex-da u gashay dil qorshaysan oo shirqool ah ayuu ahaa,taasina waxay caddaynaysa qaabka uu u dhacay iyo sida loo laayey raggaas, Markaan Dil qorshaysan leeyahay kolay macno badan uma baahna oo waa la garanayaa qof kasta oo somaaliga ku hadlaa wuu fahmayaa, markaa dilkaasi wuxuu ahaa dil qorshaysan waxaan leeyay Saraakiishaasi dablay Hubaysan , ilaa haddana waxaan ka war sugaynaa Hay’adda amniga iyo cida u qaabilsan.”


Waxaanu intaasi ku sii daray " Qof kale ayaa la socday oo isaguna ilaa hadda dhaawacan inuu askari yahay ayaan aad u jeclahay in kastoo aanan hubin, laakiin inuu askarta kamid yahay ayaan filayaa, waxay wateen gaadhi ciidan , ilaa hadda ma garan garno sababta ka dambaysay dilkooda, laakiin labada sarkaal-ba waxay ahayeen askartii nabad ilaalinta u joogay Garadag , midna Asluubta ayuu taliye ka ahaa midna taliye ku-xigeen ayuu ahaa booliska, waxay ahayeen saraakiishi amniga loo geeyey halkaasi labada sarkaal-ba.”Ayuu Suldaan Cabdiraxmaan


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...