Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Bisha 3aad Loogu Beegay Fulinta Heshiisyadii Hargeysa Iyo Nairobi.

0
Monday January 04, 2021 - 15:31:53 in News by
  • Visits: 2069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Bisha 3aad Loogu Beegay Fulinta Heshiisyadii Hargeysa Iyo Nairobi.

    Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Bisha 3aad Loogu Beegay Fulinta Heshiisyadii Hargeysa Iyo Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Bisha 3aad Loogu Beegay Fulinta Heshiisyadii Hargeysa Iyo Nairobi.


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay sababta bisha 3aad loogu beegay fulinta heshiisyadii ay la gashay Kenya.

Kumuu ahaa Taliyaha uu Baashe Cawil u adeegsaday Baarlamaanka.


Wakiilka somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar ayaa soo bandhigay sababta bisha March loogu beegay fulinta heshiisyadii dhexmaray Muuse Biixi iyo madaxweynaha dalka Kenya.


Wakiil Baasha Cawil oo ka hadlaya arimahan ayaa waxa uu yidhi "Heshiisyada la kala saxeexday waxa uu ka dhashay kulanka labada madaxweyne oo laba cisho socday, labada madaxweyne guddiyo wasiiro ah oo labada dhinac ah ayaa loo saaray taas oo wakhti qaadanaysa ileen meesha tamaandho lama kala iibsanayee, siyaasada, daraasaad iyo barnaamijyo ayaa la soo samaynayaa oo waxa laga hadlayaa sidii danaha labada laysku waafajin lahaa oo ay u soo bixi lahaayeen arin labada wadanba ku qanacsan yihiin, sababta wakhtiga loo siiyeyna waa wada hadalkaas iyada oo shaqadu bilaabmi doonto sanadkan cusub.”ayuu yidhi wakiil Baashe isaga oo u waramay Horyaal24tv.


Wakiil Baashe Cawil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "mid labaad ee jirtaa waxaa weeyaan in wadanka Kenya habka uu maaliyad ahaan u shaqeeyo ay qaateen nidaamka Ingiriiska kaas oo ah in miisaaniyadoodu dhamaato bisha sadexaad ee sanadka, miisaaniyada cusubna waxay bilaabmataa April, sababta ay wasaarada arimaha dibada Kenya ay wakhtigaas ugu beegtayna waa taas balse waxba kama jiraan wararka la xidhiidhinaya doorashooyinka Xamar.”


Loading...
Loading...