Laba Sarkaal Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland Oo Maanta La Dilay Iyo Madaxtooyada Oo Ka Hadashay.

0
Monday April 29, 2019 - 22:49:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 9820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Sarkaal Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland Oo Maanta La Dilay Iyo Madaxtooyada Oo Ka Hadashay.

    Hargaysa (HWN) Laba sargaal oo ka kala tirsanaa ciidamada Asluubta iyo Ciidanka Booliska ayaa maanta dablay ay ku dileen weerar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Laba sargaal oo ka kala tirsanaa ciidamada Asluubta iyo Ciidanka Booliska ayaa maanta dablay ay ku dileen weerar

jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay madaxtooyada Somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Hadhwanaagnews, qoraalkaasi oo dhamaystirana sidan ayuu uqornaa :-

Tacsi Madaxweyne: 29/04/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-



1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.


2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.


Saraakiishaas oo ay galabta dablay Hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin


Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...