Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey Sida Ay U Jirto Cabashada Khudradlayda Iyo Gaadiidka, Fariina U Diray Dawlada

0
Monday January 04, 2021 - 09:16:44 in News by
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey Sida Ay U Jirto Cabashada Khudradlayda Iyo Gaadiidka, Fariina U Diray Dawlada

    Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey Sida Ay U Jirto Cabashada Khudradlayda Iyo Gaadiidka, Fariina U Diray Dawlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey Sida Ay U Jirto Cabashada Khudradlayda Iyo Gaadiidka, Fariina U Diray Dawlada


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay wax ka qabato cabashada ay soo gaadhsiinayaan dadka danyarta ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay khudaarta ka timaada dalka Itoobiya.

DAAWO:-


Xoghayaha gaadiidka xisbiga Waddani Cali Cantar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey cabashada ay qabaan dadka danyarta ah ee noloshoodu ku xidhan tahay khudaarta ka timaada dalka Itoobiya.


Xoghaye Cali Cantar oo ka hadlaya cabashada ka soo yeedhaysa shacabka ayaa waxa uu yidhi "todobaadyadan ugu dambeeyey xifaaltan badan ayaa ka jira gaadiidka ka soo galaya Itoobiya ee soo qaadaya khudrada iyo gaadiidka kale ee ka soo qaadaya Wajaale ee gaynaya gobolada kala duwan ee dalka, afar shirkadood oo laba gaadiidka yihiin labana kuwa khadrada ayaan la hadlay, waxyaabaha ay ii sheegeen in wixii ay ka cabanayeenba waxaad moodaa in xukuumadu ay gaabinayso in arintaas ay si fiican u dhexgasho oo ay dhagaysato muwaadin kasta waxa uu sheegayo.”ayuu yidhi Cali Cantar oo u waramay hctv.


Sidoo kale xoghaye Cali Cantar ayaa faah faahiyey sida ay u jirto cabashada gaadiidlaydu "Cabashada gaadiidka marka aynu eegno, gaadiidka Itoobiya marka ay keenaan wajaale waxa khudrada lagu dajiyaa barxada Wajaale waxaana ka soo qaada gaadiid ay leeyihiin muwaadiniin somaliland ah, gaadiidka Itoobiyana dib ayey u noqdaan, arintii sidaas ahayd ayaana laga dhigayaa in gaadiidka Itoobiya uu soo cashuurto oo uu dalka soo galo, meelihii ay gaadiidka muwaadiniintu gayn jireena ay iyagu geeyaan iyada oo ay meesha ka baxayaan gaadiidka somaliland iyo xamaalka labada jeerba ka ceeshayey ee marna dajinayey khudaarta marna rarayey.”


Xoghaye Cali Cantar oo baaq u diraya dawlada ayaa waxa uu mar kale yidhi "Dawlada waa inay ka soo saarta sharciyad sax ah oo dhaba kaas oo u hiilinaya kan muwaadinka, hadii uu muwaadin kale watana u hiilinaysa ama dhex dhexaadinaysa oo samaynaysa wixii xaqa ah.”


Sidoo kale xoghaye Cali Cantar waxa uu ka hadlay sida ay u jirto cabashada khudradlaydu "Arinta khudrada iyadana dad ayaa ka faa,iida oo tafaariiq ku sii iibiya oo ilaa kaaryoonayaasha ku sii iibiya, taasna cabashadii laga qabay waad maqlayseen oo labadii cabashaba way taagan yihiin xukuumadiina waxba kamay qaban, xukuumaduna ilaa hada waxba kamay qaban laakiin waxaan ku dhiirigelin lahaa in dawladu ay si fiican u daristo oo ay muwaadin kasta dhagaysato xaqana kala siiso.”


Loading...
Loading...