Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Shir Lagu Falan-qaynaayay Dib u Habaynta Ciiddanka Booliska

0
Monday January 04, 2021 - 09:14:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 954
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Shir Lagu Falan-qaynaayay Dib u Habaynta Ciiddanka Booliska

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Shir Lagu Falan-qaynaayay Dib u Habaynta Ciiddanka Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Shir Lagu Falan-qaynaayay Dib u Habaynta Ciiddanka Booliska

Hargeisa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa waxa uu ka qayb-galay Shir lagaga hadlaayay Qoshaha Horumarinta Ciiddanka Booliska ee mustaqbalka.



Waxaanna ka qayb galay Saraakiil ka tirtsan Ciiddanka Booliska Somaliland, ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay hogaanka hawlgelinta ciidanka booliska gaashaanle sare Ibraahin Xaaji, oo faahfaahin ka bixiyey shirkaas iyo ujeedadiisa wuxuuna sheegay in looga gol-leeyahay sidii ciidanka booliska loogu sameyn lahaa qorshaha horumarinta mustaqbalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib u habeynta ciidanka, isaga oo uga mahadceliyey mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu sheegay in ay lahaayeen qaban-qaabada shirkaas.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan ka shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa ciidanka booliska Somaliland, wuxuuna intaas ku daray in mudooyinkii u dambeeyey ay socdeen tababbaro kor loogu qaadayey shuruucda ciidanka booliska iyo xidhiidhka iyo wada shaqeynta dadweynaha, isla markaana ay sii socon doonaan kulamada noocan oo kale ahi si loo horumariyo shaqada ay bulshada u hayaan Boolisku.

Loading...
Loading...