Xukuumada Muuse Biixi Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Shirkad Ka Shaqayaysay Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Shirkada Oo Fariin Diray

0
Monday January 04, 2021 - 09:10:28 in News by
  • Visits: 3010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Shirkad Ka Shaqayaysay Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Shirkada Oo Fariin Diray

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Shirkad Ka Shaqayaysay Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Shirkada Oo Fariin Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Shirkad Ka Shaqayaysay Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Shirkada Oo Fariin Diray


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi ayaa albaabada iskugu dhufatay xaruntii shirkada Gamuur ee magaalada Hargeysa.

Shirkada Gamuur Plastic oo Wacdaro ka Dhigtay Carwada Warshadaha Somaliland +Adeegyo Cajiiba oo Ay Soo Bandhigtay | Herer Media Group


Gudoomiyaha shirkada Gamuur Daahir Maxamed Gamuur ayaa ka hadlay talaabada ay xukuumadu albaabada iskugu dhufatay shirkadaasi, isaga oo xusay inaan hab sharci ah loo marin talaabo ay ku fuliyeen ciidamada boolisku.


Gudoomiye Daahir Gamuur oo ka hadlaya xidhitaanka shirkadaasi ayaa waxa uu yidhi "Niman boolis ah oo aan waaran sidan ayaa warshadii oo shaqaynaysa soo galay inankii shaqada ku jirayna garba duub loo qabtay iyada oo aanan ogayn cid na haysata, hadii ay cidi na haysatana waan daw baxaynaa laakiin ninka taliyaha ahi intuu xerada la soo galo weerar meesha may qabanayn,hadii ay wax jiraan in naloo yeedho ayey ahayd oo nalagu yidhaa waxaas ayaa jiree maxaad isku difaacaysaan”


Sidoo kale waxa uu sheegay inuu hore u jiray khilaaf dhul balse xal iyo heshiis laga gaadhay isaga oo tilmaamay inaanu garanayn cida dacwada ka gudbisay "Waxa jiri jirtay dhul ay ilma Mataan isku haysan jireen arinkaasina wuu dhamaaday oo waraaqihii ay ku heshiiyeen waanu haynaa, maantana warshadii way naga guban gaadhay, taliyaha booliskana waxaan leeyahay ninkaas ciidanka watay waa in wax laga qabto waayo si akhlaaq xumo ah ayuu u soo galay, hadii uu inanka qabanayana waxay ahayd in warshada la bakhtiiyo oo uu sugo ayey ahayd ileen qof maanu diline, cid na dacwaynaysa iyo cid dhul nagu haysata midna ma ogin.”ayuu yidhi gudoomiyaha shirkada Gamuur oo la hadlay bulshotv.


Talaabada ciidamada boolisku ku xidheen shirkadiisa ayuu gudoomiye Daahir ka waramay dhibaatada ka soo gaadhay "Wax soo saarkayagii ayuu joojiyey inankiina shaqada hayeyna wuu xidhan yahay iyada oo aanay jirin sabab uu u xidhan yahayna ma garanayno iyada oo shaqadii warshaduna ay istaagtay, dhulkana waxaanu degnay 2003, cid na haysata iyo cid na dacwaysayna garan mayno.”

Loading...
Loading...