Xildhibaan Shacabka Danyarta Ah Ugu Baaqay Inay Baarlamaanka Uga Soo Dacwoodaan Shirkada Loo Xidhayo Khudaarta Itoobiya

0
Monday January 04, 2021 - 09:06:14 in News by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Shacabka Danyarta Ah Ugu Baaqay Inay Baarlamaanka Uga Soo Dacwoodaan Shirkada Loo Xidhayo Khudaarta Itoobiya

    Xildhibaan Shacabka Danyarta Ah Ugu Baaqay Inay Baarlamaanka Uga Soo Dacwoodaan Shirkada Loo Xidhayo Khudaarta Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Shacabka Danyarta Ah Ugu Baaqay Inay Baarlamaanka Uga Soo Dacwoodaan Shirkada Loo Xidhayo Khudaarta Itoobiya


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka digay in shirkad gaar ah loo xidho khudaarta ka timaada dalka Itoobiya.

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootada Haweenka – somalilandtoday.com


Xildhibaan Nacnac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay qorshaha lala maagan yahay dadka danyarta ah ee noloshoodu ku xidhan tahay khudaarta ka timaada dalka Itoobiya waxaanu yidhi "Waan ka naxay dadkaas masaakiinta ah ee suuqa gobonimo kaga ganacsada muuska, shirkad ayaa kooto loogu xidhay Muuskaas ay keenayeen, waxaan leeyahay waa laynagu cadaabayaa taas oo kale hadii aan waxba la siinayn haloo nadiifiyo meeshooda oo nidaam haloo sameeyo hadii kale meel dheer ayaa laynaga dooni doonaa oo dadkaas qaar wax laga dayaba maaha.”


Xildhibaan Nacnac oo fariin u diraya Muuse Biixi ayaa waxa uu intaas raaciyey "Madaxweynaha waxaan leeyahay suuqaas gobonimo si gaar ah u eeg dadkaas masaakiinta ah ee deegaanka ah ee mudada dheer Muuska ku iibinayey halkaas ee qaarkood dugsiyada kaga saareen caruurta qaarna agoonta ku korinayeen faraha halaga qaado ayaan leeyahay, kuwa laga qaaday iyo kuwa xamaaliinta ahba xaq ayey leeyihiin waana xaaraan in shirkad gaar ah oo qof leeyahay gaar loogu xidho, waxaanan leeyahay haloogu daayo sidoodii.”


Sidoo kale xildhibaan Nacnac waxa uu ganacsatada danyarta ah ka dalbaday inay codsiyo soo qortaan isla markaana uu kala shaqaynayo sidii loo gaadhsiin lahaa guddida u xilsaaran arimaha bulshada "Baarlamaan ahaan hanoo yimaadaan oo waraaqo ha soo qortaan aniga ayaana codsigooda ka qaadaya oo u gaynaya guddida u qaabilsan si ay ula hadlaan oo loo qanciyo.”

Loading...
Loading...