Isma_Dhaanto. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

0
Monday January 04, 2021 - 08:54:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isma_Dhaanto. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

    *Ayaamahan ma tirin maansadaan ku ilwanaa jeere *Mase gabin ortiyo jiibta iyo abid tusaalaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*Ayaamahan ma tirin maansadaan ku ilwanaa jeere *Mase gabin ortiyo jiibta iyo abid tusaalaynta

*Bal aan maanta Alifkiyo kordhabo ereygii suugaanta

*Oo aan nimanka umarada ka dhigan erey ku suureeyo

*Awoowgood wixii lagu gubaay daba ordaayaane

*Waxa afarta geesood qabsaday niman akaakoobay

*Oo aan insaankiyo tixgelin aadanaha dooran

*Waa niman ujeeddaba ka madhan oo anfaca raadin

*Waa niman indhala oon arkayn meel ilays jiro'e

*Waa niman odoros aan lahayn ama ishaarooyin

*Waa niman abaaraysan oo labo-amlaynaaya

*Waa niman afkooda uun u nool ayax sidiisiiye

*Waa niman ilma-adeerradood edegga buuxsheene

*Ubadkooda waa niman korsada ehel xigaalkoode

*Waa niman intii kale ka dhigay cadow la aasaayo

*Waa niman awooddii u rogey qaado amarkayga

*Waa niman eryanayoo dadkii aarmi ka adeejin

*Waa niman aqoonta iyo neceb ruuxii aammin ahe

*Waa niman aasaartii dafiray asalkii taariikhda

*Waa niman ilduufoo qawadey isirkii Soomaali

*Waa niman illoowshiiyo dhow umul sideediiye

*Waa niman Amxaarada watiyo agagaftii Kenya

*Waa niman Isaayaas la jira ama Imaaraadka

*Waa niman arradan oo aqligu eber ka hooseeyo

*Isma-dhaanto weeyaan dirkuba waa astaan madhane

*Irrid oodan weeyaan halkay nagu ijbaareene

*Agaraa-dam bay nagu wadaan ubucda jiilaalka

*Halkay nagu ekeeyeen kuwani waa abaar solane

*Oommane waxay nagu fureen omos ka qiiqaayo

*Waxa ummaddan lagu hagahayaa ilo cidhiidhyoone

*Aga, aga awoowgood la naar way anbanayaane

*Iraadadase shacabkaa dhowaan la arki doonaaye

*Iska samra "ILAAHAAN QABNAA" TII ALLAY NOQONE.

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji). 3rd Jan 2021.

[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...