Hees La Yidhaaho Carkaag ( Abdi-Shotaly).
(1) Sidda canab bislaa-diyo, hoobaan casaatoo, carro hodan ka baxayoo,
Casar liiqi ay tahay, cadceed-diina weli dhicin, shucaacii is caabiyey.
( Dhex-taal )
Canaby la midab-too, naf-taydaa ku cugatee, kaalay wadda caway-nee.
(2) Sidda roob carkaag-saday, caadiyo daruur simay, fadadkii is celi-yeen,
Uu cuudku suga-yoo, caways uu ku hooraad, cayn-koodi oo kale,
(Dhex-Taal)
Cayna-diisi leedoo, adigay cajebi-yeye, kaalay wadda caway-nee.
..............................................................................
(3) Mar-kaan cududa-haagiyo, caman-kaaga eegiyo, caynkuu eebbe kuu dhigay,
Illamaa tin iyo cidhib, cibaadadu ay dheertaa, kal-gacayl i cariyoo,
(Dhex-taal).
Caqliguu bedelayoo, carar buu i yidhiyoo, soo arag cambuushaa.
* N.B. Waxa cayn-ba-cayn looga dhigay hays cajibiyeene!
Abdi-Shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





