Somaliland lawada leeyahay? ...W/Q Maxamed Cali Ruush

0
Sunday January 03, 2021 - 17:28:02 in Articles by
  • Visits: 1903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Somaliland lawada leeyahay? ...W/Q Maxamed Cali Ruush

    Somaliland lawada leeyahay? ...W/Q Maxamed Cali Ruush

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland lawada leeyahay? ...W/Q Maxamed Cali Ruush
Image may contain: 1 person


Sharciga dalkan u sareeyaa waa Dastuurka, kama jawaabo, ayaa Somaliland iska leh? Waxan akhriyey Dastuurka wadanka Belgium-ka, wuxu si cad u qeexayaa inay dalkaasi wada leeyihiin sadex qowmiyadood.

Isla dastuurkeenu kama jawaabayo cida Somaliland wada lihi ,siday u wadaagayaan awooda iyo khayraadka dowlada.

Taariikhda Somaliland, ma loo simanyahay?

SNM, UFFO.

Jabhadii SNM ee qaybta ka ahayd burburkii Dowladii Soomaaliyeed, intii SNM ka dhimatey jabhad iyo shiciba waxa loo yaqaanaa mujaahidiin, wasaarada cadaalada Somaliland waxa jira xafiis hoostaga wasaaradaasi oo qaabilsan diiwaan galinta xabaalo wadareedyada, iyo wixii la xidhiidha dadkii ku dhintey dagaalkii Jabhada iyo Dowlada dhexmaray, waxana lagu maamulaa cashuurtii ummada wada degan Somaliland.

SNM, waxay xasuuq ba'an ka gaysatey dhamaan deegaanada gobolka Awdal waqtigaasi, dadkaasi dhintey ee xaqdarada lagu laayey,dad danbigaasi qayb ka ahaa ayaa intay Tv-yada soo fadhiistaan yidhaahda waxba laguma xasuuqin Awdal.

Waxa intaasi sii dheer cidii xusta dadkaasi la xasuuqay dowladu way xidh xidhaa, hadaba dadkaasi u kala eexanaya dadka dhintey laga sugimaayo inay u cadaalad sameeyaan kuwa nool.

Ilaa mushaakilaadka caykaasiya dhab ahaan loo xalinaayana ummadani heshiin mayso, dalkuna hore u soconmaayo.
Xalka waxan u arkaa in dhamaan taariikhahaasi laga wada tago, ama dadkaasi dhintey inay helaan xuquuq isku mida.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...