Faallo:-Muuse Biixi oo Weerar Ku Qaadday Qaybo Ka Mida Bulshadda Somaliland

0
Sunday January 03, 2021 - 16:04:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muuse Biixi oo Weerar Ku Qaadday Qaybo Ka Mida Bulshadda Somaliland

    Faallo:-Muuse Biixi Oo Faan Iyo Weerar Ku Qaadday Qaybo Ka Mida Bulshadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Muuse Biixi Oo Faan Iyo Weerar Ku Qaadday Qaybo Ka Mida Bulshadda Somaliland
Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore safar dhinaca dhulka ah kaga soo laabtay dalka Djibouti, ayaa safarkiisii dhinaca dhulka waxa uu ku soo maray deegaanka Agabar oo ka tirsan gobolka Gabiley, isagoo bulshadda ku dhaqan deegaankaas Agabar khudbad u jeeddinnaaya waxa uu sheegay in doorashaddii Madaxtooyadda ee saddex sano ka hor ay reebtay Xanaf iyo kala qaybsannaan wayn.
Somaliland president lauds President Farmajo's apology, Rules out trip to Hargeisa – SBC


Muuse Biixi khudbadda uu deegaankaas Agabar ka jeeddiyay may ahayn hadal laga fillaayay maanta oo Xanafta iyo Doorashadda uu ka hadlayaa laga joogo saddex sanaddood iyo jarjar, waanna khudbad aan ka turjumayn Mustawihii laga eeggaayay, waase Nasiib-darro Somaliland ku dhacday in Ruuxii Kursiga dalka u sarreeya lagu oggaa uu Warbaahinta la soo istaago reerkii aan Odayga u ahaa baa ku guulaystay doorashaddii Madaxtinnimo ee 2017-kii, isla markaanna Qoladdii laga baddiyayna waxay u qaateen inaan gabdhahoodda la guursanayn. Bal ammuurtan iyo lama aragtan eegga!

"Saddexdii sanno ee Xukuumaddu jirtay, labaddii Sano ee hore waxay ku dhammaadeen Xanaftii iyo Colaaddii ka dhalatay Doorashaddii Madaxtooyadda. Doorashadda waynu isla qaadanay oo waa Dimuqraadiyad, laakiin dhib bay innoo keentaa oo markii foodkii dhacay reerkii laga baddiyay wuxuu u qaatay inaan gabdhahoodda la guursanayn oo laga adkaaday oo laga Xarrago qaatay ayay u arkayaan, dabadeedna waxa uu galayaa dagaal." Ayuu yidhi Muuse Biixi

Isagoo intaas raaciyay "Sanad iyo badh waxaanu ku jirnay siddii loo bogsiin lahaa Xanaftii doorashadda oo qoladeenii guulaysatay ee aan Odayga u ahaa aynu wax walba iyaga u hor marinno oo gacan walaalnimo kaga daba tagno" Ayuu yidhi Muuse Biixi

Hadalka caynkaas ah haddiiba aynu sida uu sheegaayo u qaadano oo reerna guulaystay, reerna laga guulaystay, oo weliba ruuxa guusha sheegannayaa uu Muuse Biixi qudhiisa yahay, hadalkaasi ma yahay mid Xanaf iyo Colaad wax ka qaban karra? Hadalka caynkaas ahi ma yahay mid isku soo jiiddi karra Bulshadda uu isaguba waa Muuse'e uu qiraayo inay kala fadhido isku soo jiiddi karra? Garri Allay taqaannaaye Muuse Biixi ma naxli, Ciil iyo qamuunyo isaga ka buuxda ayuu bulshadda u sheegaayay mise Xanaf doorashaddii saddex sano ka hor bulshadda ku jirtay ayuu ka saarraayay, waxaan filayaa inaanay sharaxaad u baahnayn ee qofkastaaba fahmi karro ujeedka iyo macnaha hadalkaasi Xambaarsannaa.

Haddiiba Xanafi jirtay isagay ahayd Xilkiisa innuu bulshadda ka saarro oo Waji kasta oo doorashaddii Madaxtooyaddu lahayd kolkii uu ku guulaystay innuu kii ka coddeeyay iyo kii u coddeeyay-ba uu si caddaaladi ku jirto u maamulo, cidkastoo tabasho qabtayna Waajib saaran bay ahayd innuu daweeyo oo kol haddii uu ku guulaystay kursigii u sarreeyay dalka uu bulshadda isku soo jiiddo, balse wax laga filaayay maaha innuu maanta hadal noocaas ah uu ka soo yeedho, waase Muusoo hadalkaba inta qaloocan ayuu ka bartay. Ceebtiisa maahee waa caadadii oo saddexdaa sano af-xumo, faan iyo kala qaybin ummaddeed waxaan ahayn kamuu hadlayn.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata hadalkii Muuse Biixi ee uu 29-kii bishii December ka jeeddiyay Deegaanka Agabar uu bulshadda reer Somaliland dhaawac wayn ku noqon doonno, haddii aannu raali-gelin ka bixin Muuse Biixi oo isagu caan ku ah madax adayg iyo innuu markastaba isticmaalo hadalo Naxli iyo Xanafi ka muuqato.

Loading...
Loading...