Xukuumada Somaliland Oo Digniin Udirtay Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dawlada.

0
Sunday January 03, 2021 - 12:23:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Digniin Udirtay Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dawlada.

    Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh"

Hargaysa (HWN) Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ee todobaadkan ayaa lagu go’aamiyay in aan la ogoleyn shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyaga oo ku gudda jira shaqada ay Qaranka u hayaan in  ay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo, ee hankooda ku aadan golayaasha degaanka iyo wakiillada.

 

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in ciddi ka qayb galaysa ololaha doorashooyinka wakiillada iyo degaanka ay baneeyaan xilalka ay Qaranka u hayaan.

 

Go’aanka lagu mabnuucay muujinta iyo dhaqdhaqaaqa doorashooyinka ee shaqaalaha iyo ciidamada Qaranka ayaa u dhigna sidan. "Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinku.

 

Waxaa uu  goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan”

 

Inkasta oo golaha wasiiradu sidan ay yidhaahdeen hadana waxa dhacda mararbadan in shaqaalaha dawladu sitoos ah uga dhex muuqdaan ololaha doorashada iyagoo mararka qaar wata gaadiidka Dawlada.


Loading...
Loading...